Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shirka Tubta Horumarinta Dhaqaalaha Oo Looga Hadlay Horumarinta Ganacsiga Iyo Maalgashiga Dalka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo maanta lagu qabtay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galayaasha shirka u sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhaqan-gelinta qorshaha daynta looga cafinayo dalka, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhiirri gelinta ganacsiga xorta ah, waxa uuna ku dhiirri geliyay dhammaan dhinacyada halbeegyada ku leh Tubta in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan qabashada hawsha kaga aadan gaaridda himilooyinka dhaqaale ee dalka.

Kulanka maanta ee tubta horumarinta dhaqaalaha oo ahaa kii ugu horreeyay ee lagu qabto goob ka baxsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Halbeegyada Tubta horumarinta dhaqaalaha ugu jira wasaaradda ganacsiga iyo warshada ayaa waxaa kamid ah dhiirri gelinta iyo suuq-gaynta khayraadka gudaha, abuuridda suuqya heer caalami oo loo iib geeyo badeecadaha dalka, in la dhaqan geliyo sharciga maalgashiga, in laga shaqaysiiyo guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye iyo samaynta siyaasad lagu horumarinayo ganacsiga dalka.

Himilooyinka iyo ajandayaasha tubta horumarinta dhaqaalaha waxaa ugu horreeya in guul lagu dhaqan geliyo Barnaamijka hay’adda Lacagta aduunku ay kula socanayso hadafyada iyo siyaasadaha maaliyeed ee dalka (SMP), in sare loo qaado dakhliga gudaha si looga maarmo kaalmo dibadda ah, in la hurumariyo hay’adaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka, awoodaynta qaybaha wax soo saarka dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo baaq cajiib ah diray & halka uu u diray
- Sep 17, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay qowmiyadaha raadinaya ismaamulka hoose inay muujiyaan dulqaad ilaa ...
DAAWO:-Sh. Idiris oo ka Murugooday Musuqa iyo Ceebtii ka dhacday Soomaalidii Deeqda Waxbarasho ka helay Turkiga
- Sep 17, 2019
https://youtu.be/uMiJwjX_ZO4
DAAWO:-Loolanka Xilka Madaxwaynaha Galmudug oo Bilowday iyo Khudbadii Guutaale
- Sep 17, 2019
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaano ...