Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Marwada Koowaad ee Dalka oo ka qeyb gashay Shirk muhiim ah

Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabsi Mocallim iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Seoul ee Caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa halkaasi kaga qeyb galay shirweyne lagaga hadlayay Arrimaha Nabadda, Amniga iyo Bani-aadanimada.

Shirweynahan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ad magaceeda la yiraahdo Universal Peace Federation, xarunteeduna tahay magaaladan Seoul,waxaana ka soo qeyb galay madax iyo wufuud ka kala socota 110 wadan tiradooduna kor u dhaafayso 700-ruux.

Marwada ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay haweenayda ugu sarreysa hay’adda, haweenka martida ah iyo sidoo kale madaxda dalalka qeybta ka ahaa shirweynahan sanadlaha ah, iyaga oo ka wada hadlay guud ahaan nabadda dunida iyo si gaar ah Arrimaha Soomaaliya dhanka horumarinta iyo garab istaagga haweenka iyo dhallaanka.

Marwo Saynab Macallin, Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa lagu sharfay in ay khudbad taariikhi ah ka jeediso kulankan,Iyadoona sanadkan  abaalmarinta ay ku guuleystay haweenay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Waris Diiriye, iyadoona lagu abaalmariyey dadaalka ay ku bixisay ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed.

Dadka la casuumay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisal wasaareyaal, Madaxweyneyaal hore iyo ku-xigeenno, siyaasiyiin, qoraayo iyo dad caan ah oo ku guulaystay billado caalami ah. Sanadkan waxa Afrika u gaar ahaa in laba qof la siiyay billado.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Wasaaradda waxbarashada XFS oo shaacisay sharuudaha iyo tilmaamaha todobaadka Imtixaanka shahaadiga
- Apr 25, 2019
Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ...
DAAWO SAWIRRO:-Wasiirka Ganacsiga Somalia oo Beijing kula kulmay Madax ka tirsan Dawladda China
- Apr 25, 2019
Shir u dhexeeya dowladaha Afrika iyo Shiinaha oo ku saabsan iskaashi iyo wax wada ...
DAAWO SAWIRRO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Oo la Kulmay Agaasimaha Guud ee Norway U Qaabishan Arrimaha Goballada
- Apr 25, 2019
Wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed khayr Cabdi ayaa maanta ...