Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Soomaaliland Oo Shuruud Ku Xirtay Wadahadallo Ay La Gasho Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax miro-dhal laga gaarin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.

Sidoo kale, Waxa uu madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.


Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmed says:

    Waa dad isu haysta wax aaney aheyn, Beesha Caalmaku hana dhexgasho, ma laba dowladood bey ka hadlayaan, alla edeb daranaa, war meeshiina naga jooga ,waxaan qaad iyo dhillo aheyn aad keeneysaan malaha. xaaraan.




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/