Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Soomaaliya Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeyb Gashay Mareykanka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qadir Axmed Kheyr ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan looga hadlayay sidii looga adkaan lahaa Ururka Daacish oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Washington DC ee xarunta Dalka Maraykanka.

Kulanka oo ay qaban qaabadiisu lahayd Dowladda Maraykanka , ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda arrimaha dibedda ee Dowladaha Xulufadda ku ah ka hortagga Daacish.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr, ayaa sheegay in shirka lagu Lafa guray sidii laysaga kaashan lahaa meelna loogu soo wada jeesan lagaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada khatarta ku ah Caalamka ee Daacish.

Kheyr, ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay sidii loo xakamayn lahaa dagaalyahannada Daacish ee ka imaanaya Ciraaq iyo Suuriya oo ay markii hore kasoo billoowdeen.

Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen wakiillada 79 Dal oo ku bahoobay la dagaallanka Daacish, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Wasiirkiisa arrimaha dibedda, Mike Pompeo iyo madax ka socotay Beesha Caalamka ayaa laysku raacay in si wada jir ah loo wadaago xogaha ku aaddan la dagaallanka Daacish iyo sidii loo tir-tiri lahaa dhaq-dhaqaaqyadooda.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Wasaaradda waxbarashada XFS oo shaacisay sharuudaha iyo tilmaamaha todobaadka Imtixaanka shahaadiga
- Apr 25, 2019
Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ...
DAAWO SAWIRRO:-Wasiirka Ganacsiga Somalia oo Beijing kula kulmay Madax ka tirsan Dawladda China
- Apr 25, 2019
Shir u dhexeeya dowladaha Afrika iyo Shiinaha oo ku saabsan iskaashi iyo wax wada ...
DAAWO SAWIRRO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Oo la Kulmay Agaasimaha Guud ee Norway U Qaabishan Arrimaha Goballada
- Apr 25, 2019
Wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed khayr Cabdi ayaa maanta ...