Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Mucaradnimo mise olole doorasho?

Waxaa jirta xikmad tiraahda haddii aadan rabin in lagu caayo gurigaaga iska fariiso waxna ha qaban.

Xigmadaan waxay bedel u tahay in qofkastoo isku daya inuu wax qabto ay dhaliil u imanayso, waana taas tan loo sameeyey hababkan dawladnimada casriga ah in la helo cid dhaliisha markaas xukumada jirta.

Maqaalkaygaan waxaan rabaa inaan wax yar ku taabto Soomaaliya haddaad doonayso inaad ogaato qofka wax sheegiisa ma ahan mid ku xiran afkaar maamul ama wax toosin uu aaminsan yahay, waxay inta badan la xiriirtaa ribix, reer ama wax kale oo markaas qofka wax dhaliilaya dantiisa aan ka fogayn.

Dawladda Soomaaliya ee hadda jirta in kastaba ha la ekaatee waxay u muuqataa in dadka Soomaalidu ay kalsooni u muujiyeen, waxaase jira siyaasiyiin iyaga meel kasta ka raadinaya inay xumeeyaan magaca iyo wixii dawladnimo lahayd, hadda akhristow siyaasiyiintaasi waxay u hanqal taagayaan inay xil dawladeed qabtaan.

Dhaliilaha ugu wanaagsan ee dawlad la siin karo waa tan ku aadan qaabka ay markaas wax u qabatay inaad soo bandhigto qaab kale oo ka wanaagsan oo hawshaas loo qaban lahaa. Tusaale shirkii shidaalka ee London ka dhacay wuxuu ku fiicnaa inuu Muqdisho ka dhaco, dadka loo diray ma ahayn dad istaahilay khibrad ahaan, wefti mucaradka ah in lagu daray ahayd, waa meelaha aan isleeyahay waa dhaliilaha saxan inay ku mudnaayeen. Marka dhaliil la jeedinayana dal Soomaaliya oo kale ah oo wax kastaa ay burbursan yihiin dhaliishiisu waa mid u baahan in xeerar gaar ah aan inaga Soomaalida ahi u samaysanno.

Hadda siyaasiyiinta mucaradka ah waxaa ugu horeeya madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waa madax weyne Soomaaliya, hogaanka dalka soo qabtay xilli adag, xurmo badan iyo amaan ayuu mudan yahay, waad arkaysaa dad caayaya waase khalad aad u weyn, madaxweynahaagood caydana waxay la micno tahay inaadan adigu lahayn wax sharaf ah. Madaxweyne Xasanse nin daacadnimadiisa badan tahay ayaan filayaa inuu yahay, waxaase majara habaabinaya la taliyayaal.

La taliyuhu waa kuma?

Anniga hal meel ah ayaan ka eegay markaan leeyahay la taliyayaal, ma aha inaan aqaanno qofkas la taliyaha u ah ama u dhuun daloolo hababka xafiiska ololaha madaxweyne Xasan u shaqeeyo, waxaanse ku saluugsanahay qaabka uu hadda wax ugu dhigay inuusan ahayn hab madaxweyne Xasan oo kale ku haboon, habka hadda wax ay u wadaan waa olole doorasho, doorashadaas oo ah tan madaxtinimada Soomaaliya oo laba sano ay ka dhiman tahay, marka cidda hada kula talisay inuu olole sii galo waxaan qiyaasayaa inaysan la taliye wanaagsan ahay.

Waxaan waa akhriyey talooyin la siiyo orodyahanada markay gelayaan garoomada ay ku ordayaan, qofka tababaraha orodyahankaas u ah wuxuu todobaadyo ka hor tegayaa garoonkaas lagu ordi doono, wuxuu qiimaynayaa cimilada, hab dhismeedka, qaabka dabayshu u dhacdo iyo wax kastoo la xiriira qofka ordaya xaaladiisa, talooyinka ugu wanaagsan ee uu siinayo waxay noqdaan qaabka dabayshu, cimilada iyo xariiqaha lagu ordayaa yihiin, xariiqaha ayaase u sii m uhiim ah, taladuna waxay noqotaa inuu qabsado marba xariiqda uu is leeyahay tababaruhu waa tan ugu dhow ee cabirka dherer ee orodyahanka gaabinaysa, waana talada ugu wanaagsan si guul loo raadiyo.

Waxaan akhriste hadalkaan ka wadaa olole ama tartan kasta oo aad doonayso inaad guul ka gaarto waxaad u baahan tahay inaad xagasha ugu dhow qabsato, marka madaxweyne Xasan la taliyaha ku yiri laba sano oo doorasho ay ka dhiman tahay hadda orod sii bilow, waa la taliye raba inuu cidla ku banjaro, lacagtu ka dhamaato, tartankiina ku yimaaddo isagoo daalan, marka la taliyahaasi sidee kula yahay?

Qodobka kale ee muhiimka ah waxaa weeye, wejiyada siyaasadda Soomaaliya yeelato, annagoo og in wax kastaa is bedelaan wakhtiyada ugu danbaysa, taasoo markasta dareenka qofka Soomaaliga ah sar goysa, haddii aad horay xukun u soo qabatayna ugu yaraan qofka Soomaaliga ahi wuu ku sharaxi karaa, taasina waa mid u baahan in maanka lagu hayo.

Qoraalkayga waxaan ku koobayaa, mucaaradnimada Madaxweyne Xasan Sheekh hadda hormuudka u yahay ee wakhtigaan talaabadii dawladda ay ku dhaqaaqdaba imanaysa, iyadoo wixii wax qabad socday aan weli cidi taaban, miro dhalna laga gaarin, jidkana inagu dheer yahay, ma mucaradnimaa mise waa olole tartanka doorashada 2020. Kawaabta akhristayaasha ayaan siinayaa?.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo baaq cajiib ah diray & halka uu u diray
- Sep 17, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay qowmiyadaha raadinaya ismaamulka hoose inay muujiyaan dulqaad ilaa ...
DAAWO:-Sh. Idiris oo ka Murugooday Musuqa iyo Ceebtii ka dhacday Soomaalidii Deeqda Waxbarasho ka helay Turkiga
- Sep 17, 2019
https://youtu.be/uMiJwjX_ZO4
DAAWO:-Loolanka Xilka Madaxwaynaha Galmudug oo Bilowday iyo Khudbadii Guutaale
- Sep 17, 2019
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaano ...