Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xildhibaan Mahad Salaad oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Kenyaawi

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa weerar afka ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo.

Mahad Salaad ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in uu Alle Cafis weydiisto,isla markaana sheegay aan loo baahneen in Magaalada uu keeno wadaad,kaasi oo shacabka ugu  sheekeyso hala iscafiyo.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa weerar kale ku qaaday Sheekh Kenyaawi,kaasi oo lagu wado in uu Magaalada Magaalada ku qabto Muxaadaro Ciaankeedu yahay Cafi-walaalkaa.

War qoraal ah oo Bogiisa Facebook uu ku soo qoray Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan:-

Duqa, Diin jacayl miyuu Sheekh Kenyaawi u keenay mise dano siyaasadeed ayaa wadaadka soo galay?!

  1. Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay muxaadaro loo qabto iska dhaafe maalin gelinkeed aadan arag Culimada magaalada kula jooga ee culuumta diinta akhrisa sida:

– Sheekh Axmed Iimaan, Sheekh Nuur Cali Jaamac, Sheekh Yuusuf Tuurxume Jimcaale, Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey, Sheekh Axmed Sheekh Xasan Qudhubi, Dr. Ibraahim Dasuuqi, Sheekh Cabdulahi Cusmaan Macalin (Minhaaj), Sheekh Maxamed Aw Cabdulle Cariif iyo Sheekh Maxamed Cabdisalaan (Guud).

  1. Mar hadii duqiyow kuwii aad mowlacyada kasoo saarteen meel aadnan ku sheegin ee hoteelada Xamar ay ku xiranyihiin sida:

– Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baarud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis.

  1. Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay masaajidka gurigaaga kasoo horjeeda aadan soo gelin labo Jimce iyo labo jeer oo aad janaaso u tagtay kaliya mooyee!
  2. Mar hadii duqiyow muwaadin Soomaaliyeed oo halgamaa ah Abdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) aad shisheeye u dhiibtay. Urur Soomaaliyeed oo gobonimo udirir ahna Argagixiso waaye aad tiri adigoo Tigree ku raali gelinaya!
  3. Mar hadii duqiyow Shacab Soomaaliyeed oo masaakiin ah guryahooda iyo beerahoodana dhex jooga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose GAAL Maraykan ah inta ku dalbatay aad xasuuqday kadibna aad tiri Shabaab ayay ahaayeen adigoo Maraykan ku raali gelinaya!
  4. Mar hadii duqiyow habeen saqda dhaxe dad guryahooda jiifa aad u dhacdeen, hadana inta xasuuqdeen kabaha ku aasteen iyadoo ehel iyo asxaabta midna aan la tusin maydkooda!

In maanta wadaad inta noo keento aad nooga sheekeyso hala iscafiyo inta caruur 15 – 20 jiro ah oo degmooyinka Gobolka Banaadir laga soo daabulay isku keento aniga waxay ila tahay ADUUN iyo AAKHIRO SEEG ee Ilaahey inta baqdid umadda cafis weydiiso. Ilaaheyna usoo noqo.

 

Mahadsanidiin.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

5 Waxyaabood oo Islaamku Dunida kusoo Kordhiyey (Video)
- Jun 19, 2019
Waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo aqoonyahanadii Islaamku dunida kusoo kordhiyeen hadana caalamku ka ...
DAAWO;-Puntland Sheegtay In Vise Ama Dalku Gal Lagu soogali Doono Deeganadeeda
- Jun 19, 2019
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay ...
DAAWO-Villa Somalia oo Qorsheysay Amniga Doorashada Jubaland
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/dUN3ejREoJU