Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiyada Caleemasaarka Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta 14 January 2019 kulan la qaatay Guddiyada caleema saarka Madaxweynaha Dowladda Puntland, kulankaasi waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Guddiyada qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha ayaa ka booban afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland .

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka warbixiyey kulankaasi uu la qaatay Madaxweynuhu Guddiyada calemasaarka, waxaana uu xusay in iyadoo laga duulayo doorashadii taariikhiga ahayd ee 8-da January 2019 iyo xilwareejintii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland la samayndoono xafladda habmaamuskeedu sareeyo oo lagu caleema saari doono Madaxda cusub ee Dowladda Puntland.

Waxaan galabta kulan la yeelanay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kulan kaasi waxaa lagaga hadlayey xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, maadaama aan galnay doorasho aad u qurxoon, isla markaasna maanta xilwareejintii ay u dhacday si wanaagsan, waxaan u baahanahay inaan samayno xaflad aad u heersaraysa oo aan ku soo dhoweynayso Madaxda cusub, waxaan casumid doonaa, beesha caalamka, saxiibada Puntland, Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Shire Xaaji Faarax.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Dowladda kenya oo dad badan u xidhay weerarkii hoteelka Nairobi
- Jan 18, 2019
Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay in 9 ruux ay usoo xireen tuhun ...
Xiisad Ka Taagan Degaan Hoostaga Gobolka Sh/Dhexe
- Jan 18, 2019
Sida ay ku waramayaa illo degaanka ah, waxaa degaanka Ceel-baraf oo hoos-taga degmada Mahadaay ...
Halgamaa Muuro; Halyey Qaran oo naga baxay
- Jan 18, 2019
Innaa Lillaahi Wa’inaa Ilaah Rajicuun Geeridu waa xaq. Waxaa Umadda Soomaaliyeed  ka baxay dhawaanna ...