Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Al-Shabaab lagu laayay Duqeyn ka dhacday Gobolka Baay

Ugu yaraan Lix xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga Cirka ah oo ka dhacday degaanka Yaaq-Baraawe oo ka tirsan Gobolka Baay.

War kasoo baxay Xafiiska howl-galka Maraykanka Afrika ee AFRICOM loo yaqaan ayaa lagu sheegay in ay Diyaaradahooda duqyn la beegsadeen Gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaa marayay degaanka Yaaq-baraawe.

Ma jirto Cid ka baxsan Al-Shabaab oo wax ku noqotay duqeynta ka dhacday Gobolka Baay, sida ay warkooda ku sheegeen howl-galka AFRICOM.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Garabsanaya saaxiibbadooda Maraykanka ee AFRICOM ayaa Todobaadkan gudahiisa duqeyn ku dilay 15 ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab, markii ay weerarro qorsheysnaa oo xagga Cirka ah ku qaadeen degaannada Dheeroow Sanle iyo Baqdaad oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Khudbad Ka Jeediyay Shir Looga Hadlayo Ka Hor-tagga Xag-jirnimada
- Mar 21, 2019
-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada ...
MUUQAAL:-Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadaha Puntland & Somaliland
- Mar 21, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya socdaalka masuuliyiinta katirsan Puntland iyo ciidamadu ku ...
MUUQAAL:-Kadib Shir Saacado Socdey Madaxweyne Denni iyo Wasiiradiisa oo War Soo Saara
- Mar 21, 2019
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir Guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ...