Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Daladda SONSA oo Hambalyo udirtay Maamulka Cusub ee Dowlad Gaboleedka Puntland

Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA kuna mideysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Xirfadleyda, waxa ay u hambalyayneysaa hogaanka cusub oo loo doortay maamul gobaleedka Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cisman (Karaash)

Dallada waxa ay bogaadinaysaa dadka reer Puntland oo maanta si nabdoon u doortay hogaan cusub, sidoo kale ammaan gaar ah udireysaa guddigii doorashooyinka oo si habsami ah u daadihinayay doorashada.

Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA waxa ay Madaxweynaha cusub iyo kuxigeenkiisa kula talinaysaa in ay qayb weyn ka qaataan isbedel siyaasadeed oo ay ku badbaado qaranimada, karaamada iyo sharafta qaranka soomaaliyeed, iyada oo ku adkeynaysa in ay udub dhexaad u noqdaan xal u helida siyaasadaha cakiran ee dalka xiligaan ku jiro, gaar ahaan khilaafka maamul gobaleedyada iyo Dowlada Federaalka.

Ugu dambeyntii Dalladu waxa ay ALLE uga baryeysaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa in uu Allah la garab galo xilka iyo waajibaadka culus ee saaran.

Osman Mohiadin Moallim
Gudoomiyaha Dalladda SONSA

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO: Munaasibada 26-Ka June iyo Madaxwayne Farmaajo oo ka Qayb galay
- Jun 26, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda uga qeyb galay Guriga ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho ka Sheegay Hadal Taariikhiya
- Jun 25, 2019
https://m.youtube.com/watch?v=dLVNbCKoZ24
Dawladda Somalia oo Waxba kama jiraan ku sheegtay Shirkii Nairobi iyo Wadahadalka Somaliland [Warbixin
- Jun 25, 2019
Dawladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaantay Wadahadal  la sheegay inay Nairobi kula ...