Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynihii Hore Ee Puntland oo Madaxtooyada Garoowe Ku Soo Dhoweeyey Madaxweynaha Cusub ee Puntland.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Kaaraash.

Kulanka uu laqaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey masuuliyiin ka tirsan gelyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay 08 January 2019 ku guulaystey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ee shanta sano ee soo socota, ummadda Soomaaliyeed, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa qiray in Puntland ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaala oo taarikhdu ay xusidoonto

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha cusub iyo masuuliyiinta wehelinayseyba qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana ay wadayeesheen kulan gaara oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim u ah dowladda Puntland iyo shacabkeeda.

Ugu danbeyntii, Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta dowladda Puntland iyo shacabka Puntland kula dardaarmay inay ilaaashadaan sharaftooda karaamadooda, dowladdooda iyo wada jirkoodaba, kana wada shaqeeyaan kobcinta horumarka Puntland maanta ka jira,

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO: Munaasibada 26-Ka June iyo Madaxwayne Farmaajo oo ka Qayb galay
- Jun 26, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda uga qeyb galay Guriga ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho ka Sheegay Hadal Taariikhiya
- Jun 25, 2019
https://m.youtube.com/watch?v=dLVNbCKoZ24
Dawladda Somalia oo Waxba kama jiraan ku sheegtay Shirkii Nairobi iyo Wadahadalka Somaliland [Warbixin
- Jun 25, 2019
Dawladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaantay Wadahadal  la sheegay inay Nairobi kula ...