Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Soomaalida Marxaladee ayaynu ku jirnaa ?!

Nin oday ah ayaa yiri waxaan ka qayb galay shir reerku leeyahay, hadii aad aragto dadka ay doonayaan inay soo Sharaxdaan layaab ayaa ku dilaya, waa dad aan waxba lagu aamini karin.

 

Hadaba maxay u dhacday marwalba inay ina hogaamiyaan dadka kuwii ugu liitay, hadaba si aynu arintaa u fahamno waxa wanaagsan inaynu ogaano marxalada aynu ku jirno, waayo Rasuulkeenu SCW sida uu inoo sheegay axaadiis badan muslimiintu maraaxil ayay maridoonaan ayuu yidhi, marxalada nabinimada, marxalada khillaafada, marxalada boqortooyinka, marxalada kali taliska, marxalada dajjaal, marxalada yajuuj iyo majuuj, maraxalada Mahdiga, marxalada nabi ciise, sidaa aan u qoray maaha sida ay isugu xigaan, laakiin maraaxilta ay muslimku marayaan ayuun baan qayb ahaan sheegayay.

 

Bal ka waran nin beeraley ah oo doonaya inuu wax beerto, laakiin aan xiliyada kala garayn, waqti roobaadka ayaa wax la beertaa, bal ka waran hadii uu jiilaalka wax beerto, dadku sidee ayay u arkayaan, waxay oranayaan keliya  wuu waalanyahy, ama waa qof garaad gaaban.

 

Waa mida labaad eh waxa ku dhacaya ninkii beeraleyda ahaa tacab khasaar.

 

Waa mida sadexaad eh si dhibyar ayaa loo khiyaamayn karaa waayo waa qof moogan ama qaflad ku jira, mar hadii aanu garanayn xiliyada lagu jiro.

 

Hadaba illaa aynu garano xilliga aynu ku jirno ka bixi mayno xaaladan tiiha ah ee aan la dhibtoonayno , tusaale mar uu Rasuulku SCW ka hadlay Dajjaal wuxu yidhi hadii uu idinku soo baxo anoo jooga anaa idiin doodaya hadiise uu soo baxo gadaashay  qof walba isaga ayaa naftiisii u doodaya ama waa sida uu yiri  eh.

 

Waqtigan wadaadka la yiraahdo ImranHosein iyo culimo kale oo badan waxay aaminsanyihiin in Dajjaal  la soo daayay uuna  talinayo , uuna ku shaqaysto  kuwan maanta  ina jaahwareeriyay waa siyaasiyiinta noocyada badan ee khaaimiinta ah  waa kuwa laynagu dhexbeeray .( dadka qaar baa u haysta marka la soo qaado yajuuj iyo ma juju, dad nooc kale ah, waar waa reer baniaadam oo adiga oo kale ah, hal sifo ayay leeyihiin waa mufsidiin, fasahaadinaya diin iyo dadba, kuwa laynagu dhex beeray, miyaanay wadaad iyo waranleba fasahaadin, maxaad sugaysaa ).

 

markaa dadka caynkaa aaminsan iyo kuwa kale, nolosha ma isku si ayay u arkayaan, waa maya. Lakala garaad dheer !

 

Hadaba waxa la gudboon muslimiinta in la garto marxalada aynu marayno, hadii aan la garan marxalda aynu marayno marwalba waa layna Khiyaamaynayaa .

hadii aynu garano marxalada aynu marayno way fududahay inaynu ka gaashaamano, hadii kale se waa layna dagayaa, waa sida aynu imikaba u daganahay eh oo aynaan waxba u ogayn .

 

Ayaad quraan ah ayuu macnaheedu ahaa, hoogeenee illayn qaflad ayaynu ku jirnay, Hada ayaynuba Qaflada  ku jirnaa, waynu  daganahay.  Somalidu waxay  tiraahdaa wan wayn illaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan, markaad marxaladaa  gaartaana  waa mar ay xeero  iyo fandhaal kala dheceen, oo aanad waxba ka qaban karin.

Diyaariyey : Cabdirisaaq jubba

Halkan hoose kala xiriir.

 

https://www.facebook.com/abdirizak.jubba

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO: Munaasibada 26-Ka June iyo Madaxwayne Farmaajo oo ka Qayb galay
- Jun 26, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda uga qeyb galay Guriga ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho ka Sheegay Hadal Taariikhiya
- Jun 25, 2019
https://m.youtube.com/watch?v=dLVNbCKoZ24
Dawladda Somalia oo Waxba kama jiraan ku sheegtay Shirkii Nairobi iyo Wadahadalka Somaliland [Warbixin
- Jun 25, 2019
Dawladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaantay Wadahadal  la sheegay inay Nairobi kula ...