Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

IGAD Oo Soo Dhaweysay Doorashada Maamulka Puntland

War-Saxaafadeed ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay doorashada hoggaanka Puntland oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

IGAD ayaa ugu horreyn soo dhaweysay, una hambalyeysay madaxda cusub ee dowlad goboleedka Puntland.

Ergayga Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Cali (Guuyo) ayaa tilmaamay in doorashadani ay aheyd mid u dhacday qaab xor iyo xalaal ah oo ay dimuquraadiyad ku dheehan tahay.

Dr Guuyo ayaa boggaadiyay maamulka Puntland, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Oday Dhaqameedyada iyo cid kasta oo qeyb ka qaadatay doorashadaasi.

Sidoo kale waxa uu ku amaanay madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas doorkii uu ka qaatay habsami socodka howlaha doorashooyinka iyo horumarinta maamulkaasi.

Ugu dambeyn Ergayga IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda cusub ee maamulka Puntland in ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan dowladda Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Dowladda kenya oo dad badan u xidhay weerarkii hoteelka Nairobi
- Jan 18, 2019
Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay in 9 ruux ay usoo xireen tuhun ...
Xiisad Ka Taagan Degaan Hoostaga Gobolka Sh/Dhexe
- Jan 18, 2019
Sida ay ku waramayaa illo degaanka ah, waxaa degaanka Ceel-baraf oo hoos-taga degmada Mahadaay ...
Halgamaa Muuro; Halyey Qaran oo naga baxay
- Jan 18, 2019
Innaa Lillaahi Wa’inaa Ilaah Rajicuun Geeridu waa xaq. Waxaa Umadda Soomaaliyeed  ka baxay dhawaanna ...