Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynihii Hore Ee Puntland oo U Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08 January 2019 u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ugu horayn Alle ‘SWC’ uga shukrinaqay qabsoomidda doorashada taariikhiga ah ee dowladda Puntland iyo shacabkeedaba u qabsoontay, Isla markaana waxa uu u hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee shanta sano ee soo socota Dr. Saciid Cabdullaahi Deni.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland ee shanta sano ee soo socota Dr. Saciid Cabdullaahi Dani” ayuu yiri Madaxweynuhu hore ee Puntland.

“Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee muujiyey shaqo hufan oo wanaagsan, taasina waxa ay ka turjumaysaa, muujinaysaana bisaylka dadka reer Puntland iyo golohooda Baarlamaanka” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, Isla markaana ay la garab istaagaan talo iyo tamarba.

“Waxaan shacabka Puntland kula dardaarmayaa meel walbay joogaanba inay si joogta ah oo kala harlahayn oo wanaagsan ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland ee maanta la doortay, waxaan aaminsanahay in Madaxweynaha cusubi uu yahay Madaxweyne is taahila inuu Puntland hogaamiyo shanta sano ee soo socota, kana gudbin kara Puntland caqabadaha maanta horyaala” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Saciid Cabdullahi Deni kula dardaarmay inuu dalkiisa iyo dadkiisaba ugu adeego sida uu dhaarta ku maray oo ah cadaalad fal, hufnaan iyo wadaniyad.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO: Munaasibada 26-Ka June iyo Madaxwayne Farmaajo oo ka Qayb galay
- Jun 26, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda uga qeyb galay Guriga ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho ka Sheegay Hadal Taariikhiya
- Jun 25, 2019
https://m.youtube.com/watch?v=dLVNbCKoZ24
Dawladda Somalia oo Waxba kama jiraan ku sheegtay Shirkii Nairobi iyo Wadahadalka Somaliland [Warbixin
- Jun 25, 2019
Dawladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaantay Wadahadal  la sheegay inay Nairobi kula ...