Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Murashaxiin Baaq Udiray Sii Haya Madaxwaynaha K/galbeed

Murashaxiinta maamulka Koonfur Galbeed oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in sii haya Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Gollaha Wakiilada aanu sifo sharci ah ku joogin xafiiska.

Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo jagada madaxwaynaha haya tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan, ayay sheegeen Murashaxiinta inuu mudada xileedkiisu ku ekyahay 8-da bishaan December.

Bayaanka ayaa lagu shaaciyay in wixii ka dambeeya taariikhdani uu maamul goboleedkaan cagaha la galayo khal-khal dastuuri ah, sida ay hadalka udhigeen.

Murashaxiinta oo kala ah; Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], Aadan Saransoor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa ugu baaqay Gudoomiye Maye inuu xilka isaga dego ama uu Baarlamaanka horgeeyo qaar u ogolaanaya.

Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in inta laga gaarayo doorashada ama laga dooranayo Madaxwayne cusub la sameeyo Golle loo dhan yahay, kaasi oo ka shaqeeya sidii ay udhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyntii, dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay faragelin ba’an ku hayso doorashadda ayay ugu ku tartarsiiyeen inay ka joojiso islamarkaana ay umadax banaaneyso Guddiga doorashada.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shuruud ku xiray in Dowladda Somalia aqbasho dhaliisha mucaaradka
- Feb 21, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray ...
MUUQAAL:-Faarax Murtiile oo Ka Jawaabey Wararka Sheegaya in Somaliland Xirayso
- Feb 21, 2019
Faarax Murtiile oo ah Fannaan /Abwaan siweyn looga yaqaan dhulka Soomaalida ayaa dhowaan madaxweynaha ...
AKHRISO:-Qodobadii Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Puntland
- Feb 21, 2019
Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ...