Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Qorshaha Bixitaanka AMISOM Ee Somalia Oo Laga Wadahadlay

Gudiga xiriirka howl-galada malateri ee ururka Midowga Afrika ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia kusoo gebagabeeyay shir looga hadlayey qorshaha ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka 2021-da.

Shirkaasi oo uu  gudoominayey gudoomiyaha gudiga amaanka iyo nabad gelyada ee Midowga Afrika Ismaciil Chergue, ayaa diirada lagu saaray sidii ciidamada nabad-illaalinta ay waqti go’an ugu hayaan Soomaaliya.

Wakiilka ururka Midowga Afrika uqaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa howl galka AMISOM oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa xusay in meel wanaagsan ay mareyso qorshahaasi.

Francisco Madeira, ayaa xusay inay dar-dargelin doonan taageerada ay siiyaan xoogaga dowlada Federaalkaa ah ee Soomaaliya, si ay ugu wareejiyaan mas’uuliyada amniga dalka.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay taliyayaasha ciidamada dalalka Afrika ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo kala ah; Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Zambia iyo Uganda.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore 2017-kii wuxuu soo saaray qaraar ciidamada midowga Afrika ee AMISOM kaga baxayaan wadanka Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2021-ka.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaan Xasan Cabdi “Qofka Aan Waajibkiisa Gudan Waa Lala Xisaabtamayaa”
- Dec 13, 2018
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ...
DHAGEYSO:-Somaliland oo ka jawaabatay war ka soo yeedhay wasiirka kaluumaysiga Somalia
- Dec 13, 2018
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maamulka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in aanu khusayn ...
DHAGEYSO:-Ambassador C/salaan Xaaji “Madaxweyne Farmaajo Ha Dejiyo Xaaladda Siyaasadeed”
- Dec 13, 2018
Ambassador C/salaan Xaaji ayaa ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ...