Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faah Faahin Taliyihii Qeybt 12 April ee xoogga dalka oo lagu dilay Qarax

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) lagu dilay qarax miino.

Sida wararku sheegayaan qaraxa miino ayaa Kolonyo uu la socday Taliyaha lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xilli Taliyaha iyo kolonyadiisa ay ka soo laabteen deegaanka Dhanaani oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku geeriyooday Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa 7 askari oo kale.

Jen Cumar Dheere ayaa dowladdii KMG aheyd wasiir Kuxigeen iyo Xildhibaan ka soo noqday, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka.

Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRRO:-Odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada jubbaland oo isku afgartay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub
- May 23, 2019
Odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada Dawlad Gobaledka jubbaland ayaa isku afgartay qaabka loo soo ...
DAAWO MUUQAAL:-Madaxweyne Deni oo Xarigga ka Jaray Wadada weyn ee Gaalkacyo, Kormeerayna Xarumo Dowladeed.
- May 23, 2019
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarigga ka jaray wadada halbawlaha ...
DAAWO MUUQAAL:-Puntland oo soo gaba-gabaysay imtixaannada shahaadiga ah kana hadashay shahaadada Soomaaliya.
- May 23, 2019
https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/2248166795496626/