Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Gudigii Xalinta Khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweyne Gaas oo Soo saaray Shuruudaha Xubnimo ee Baarlamanka 2019

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa maanta shaaciyay shuruudaha looga mid noqon karo Baarlamaanka iyo jadwalka la qabanayo araajida xubnaha u tartamaya Golaha wakiilada cusub.

Shuruudaha oo sida guddigu sheegay laga tixraacay Dastuurka dowladda Puntland ayaa waxay kala yihiin.

  1. In uu yahay muwaadin Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanaagsan, miyirkiisu dhanyahay, da’diisu aanay ka yareyn 30 sano.
  2. In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin, 5-tii sano ee la soo dhaafay.
  3. In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  4. In uu keensado habraacii soo xulista xubinnimada xeerkiisa.
  5. In uu keensado shahaado dugsi sare iyo wax u dhigma.
  6. In uu keensado labo sawir iyo taariikh nolaleedkiisa.

Guddiga ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida dadka doonaya xubinnimada Baarlamanka ay bilaabanayso 10 bishan December,kuna egtahay 15 isla bishan December.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaan Xasan Cabdi “Qofka Aan Waajibkiisa Gudan Waa Lala Xisaabtamayaa”
- Dec 13, 2018
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ...
DHAGEYSO:-Somaliland oo ka jawaabatay war ka soo yeedhay wasiirka kaluumaysiga Somalia
- Dec 13, 2018
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maamulka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in aanu khusayn ...
DHAGEYSO:-Ambassador C/salaan Xaaji “Madaxweyne Farmaajo Ha Dejiyo Xaaladda Siyaasadeed”
- Dec 13, 2018
Ambassador C/salaan Xaaji ayaa ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ...