Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Duqa Muqdisho oo Duqa degmadda Garowe kala hadlay Horumarka iyo Iskaashiga

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Siciid Muuse.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Garoowe horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Garoowe ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in mustaqbalka la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dawladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Garoowe Mudane Axmed Siciid Muuse ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

Duqa Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dawladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa guddoonsiiyey duqa Garoowe labo kamid ah basaska waaweyn ee dadweynaha oo loo qorsheeyey Caasimadda Puntland, isagoona ugu hambalyeeyay Duqa Garoowe, Kuxigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka doorashadii dhawaan lagu soo doortay

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaan Xasan Cabdi “Qofka Aan Waajibkiisa Gudan Waa Lala Xisaabtamayaa”
- Dec 13, 2018
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ...
DHAGEYSO:-Somaliland oo ka jawaabatay war ka soo yeedhay wasiirka kaluumaysiga Somalia
- Dec 13, 2018
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maamulka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in aanu khusayn ...
DHAGEYSO:-Ambassador C/salaan Xaaji “Madaxweyne Farmaajo Ha Dejiyo Xaaladda Siyaasadeed”
- Dec 13, 2018
Ambassador C/salaan Xaaji ayaa ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ...