Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Guddoomiye Yariisow “Waa In Wadajir Loogu Istaagaa Horumarinta Caasimadda”

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayay daadajinta adeegyada bulshada oo ka dhacday Degmada Dharkiinleey ayuu ku dhiirigeliyey Maamullada Degmooyinka in ay dar-dargeliyaan fulinta adeegyada bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo Caasimadda, iyadoo bulshada Isxilqaameyso loo istaagaan dib-u-dhiska magaalada. Isagoo sidoo kale ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxuu sheegay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo uu ku baaqay, isla markaana ay socdaan dhismaha xarumo muhiim ah oo lagu dhisayo barnaamijkan, iyadoo uu garab socdo qorsheyaal kale oo Caasimadda lagu dhisayo, bulshadana loogu jaheynayo tubta horumarka.

“Maamulka iyo shacabka degmooyinku waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda iyagoo wadajira, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga, qof walba masuuliyad ayaa saaran taasoo laga rabo inuu guto kana soo baxo kaalinta uga aadan dib-u-dhiska degmadiisa”.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in dariseyntu ay tahay tiir muhiim u ah isdhexgalka bulshada, si ay u yeeshaan hal hadaf oo mideysan oo ku wajahan dib-u-dhiska iyo iskaashigooda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Saraakiil ka socotay Booliska iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaan Xasan Cabdi “Qofka Aan Waajibkiisa Gudan Waa Lala Xisaabtamayaa”
- Dec 13, 2018
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ...
DHAGEYSO:-Somaliland oo ka jawaabatay war ka soo yeedhay wasiirka kaluumaysiga Somalia
- Dec 13, 2018
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maamulka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in aanu khusayn ...
DHAGEYSO:-Ambassador C/salaan Xaaji “Madaxweyne Farmaajo Ha Dejiyo Xaaladda Siyaasadeed”
- Dec 13, 2018
Ambassador C/salaan Xaaji ayaa ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ...