Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xildhibanada Sare oo Ansixiyay Sharci lagu dhisayo Gudiga Madaxa Banaan ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Dhismaha Guddiga ladagaalanka Musuqmaasuqa oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka.

Ka dib markii uu Golaha Aqalka sare uu ku yeeshay maanta kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa,waxaana Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa 31 Senator, Wasiirka wasaarada Cadaaladda Abuukate Xassan Xuseen Xaaji.

Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor Akhrisay sanatarada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad.

Intaa ka dib waxaa goluhu cod galiyay hidise sharciyeedka dhismaha gudiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, waxaana ansixiyay dhamaan sanatarada soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 (kow iyo sodon Senator)

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shuruud ku xiray in Dowladda Somalia aqbasho dhaliisha mucaaradka
- Feb 21, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray ...
MUUQAAL:-Faarax Murtiile oo Ka Jawaabey Wararka Sheegaya in Somaliland Xirayso
- Feb 21, 2019
Faarax Murtiile oo ah Fannaan /Abwaan siweyn looga yaqaan dhulka Soomaalida ayaa dhowaan madaxweynaha ...
AKHRISO:-Qodobadii Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Puntland
- Feb 21, 2019
Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ...