Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Koonfur Galbeed & Shirar dhacay

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay musharixiinta Koofur Galbeed ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Musharixiinta ayaa safiirka u gudbiyay walaaca ay ka qabaan doorashada Koofur Galbeed, waxaana dhankiisa uu kala hadlay sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xor ah oo Musharixiinta ay ku wada qanacsan yihiin.

Mukhtaar Roobow ayaa kamid ah musharixiinta kasoo muuqday kulanka dhexmaray Safiirka UK ee Soomaaliya iyo musharixiinta Koonfur Galbeed, waxaana kulanka maanta uu ka dhacay xarunta QM ee magaalada Baydhao.

Todobo malmood ayaa ka harsan wakhtiga loo balansanaa inay doorasho kaga dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana doorashada sanadkaan ka qeyb galeynin Shariif Xasan Sheikh Aadan oo iska casilay xilka madaxweynaha kana tanaasulay Musharaxnimadiisa.

Musharixiinta ayaa doonaya in dib loo dhigo doorashada, laakiin dowladda ayaa dooneysa inay waqtigeeda ku dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Safiirka UK ee Musharixiinta la kulmay ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii si nabad galyo leh doorashadaasi ugu dhici laheyd.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Musharax Juxa ” Raadkayga Dib haloo Raaco “
- Nov 21, 2018
Waa barnaamij kooban oo ka hadlaya Taariikhda wax qabad ee musharaxa madaxweynaha puntland Cabdi ...
DHAGEYSO:-Madaxda ONLF Oo War Ka Soo Saaray Arin La Sugayay
- Nov 21, 2018
oqolaal  ka tirsan ciidamada ONLF  ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jig jiga ee caasimada ...
DHAGEYSO:-Ciidamada ONLF Oo Badalay Jawiga Magaalada Jig Jiga
- Nov 21, 2018
Waxaa Maanta Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida laga dejiyay Ciidamadii Jabhadda ONLF ee ...