Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Gondar ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Gondar ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu ka furmo doono shir saddex geesood ay leeyihiin Madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Atse Tewodros Airport ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sidoo kale waxa isna magaalada Gondar gaaray Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa yeelan doono kulamo gaar ah, sidoo kale waxay booqan doonaan mashaariicda kala duwan ee magaalada Gondar iyo qeybo ka mid ah Gobolka Amxaarada ah.

Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay sida Madaxda saddexda dal isugu dhowaayeen, iyagoo hal meel wada fadhiyay, isla markaana wada sheekeysi kaftan iyo dhoolacadeyn ka muuqatay dhex marayay.

Heshiiskii lagu saxiixay 5-tii bishii September magaalada Asmara ayaa ahaa mid iskaashi dhaqaale oo saddexda dal ka dhaxeeyay, waxaana shirka labaad ee magaalada Gondar uu noqonayaa mid lagu ambaqaado wixii ka hirgalay heshiiskaas.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Odoyaal iyo waxgarad ka hadlay weerarkii Tarabuunka Oo saraakiil Dowladda ka tirsan ku eedeeyay weerarkaasi
- Mar 25, 2019
https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/648341645584517/
DAAWO SAWIRRO:-Eng. Yarisow “Waxaa naga go’an in dib loo dhiso Xarumihii danta guud ee Bulshada loogu adeegayay
- Mar 25, 2019
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisoe) ayaa maanta ...
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo sheegay in shaqo kaste oo ka banaan Gobalka la xayeeysiin doono
- Mar 25, 2019
https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/628940340899663/