Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Faah Faahin qaraxyo ka dhacay magalada muqdisho

Ilaa Saddex Qarax ayaa oo ka dhacay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo aha kuwo gaari loo adeegsaday ayaa ahaa kuwo is xigxigay,waxaana ay ka dhaceen laamiga u dhaxeeya Xarunta Dambi-baarista ee CID-da iyo Hotelka Saxafi ee Magalada Muqdisho.

Waxaa Sawirro laga soo qaaday Goobta qaraxa la arkayay burbur xooggan oo soo gaaray Hotelka Saxafi oo dad tegay ay Dalsan u sheegeen in darbiga Hotelka lagu dhuftay Gaari qarax siday.

Waxaa Gurmad halkaasi ka sameeyay Gawaarida gurmadka deg dega ah,iyada oo ay jiraan dhaawacyo ay qaadeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa sidoo kale yaalla mid ka mid ah Gawaarida dadweynaha ee Homeyda loo yaqaano iyo Mootooyin bajaaj oo burburay,waxaana ku waxyeeloobay dadkii saarnaa.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa sheegay in rag hubeysan oo ka tirsana Al-Shabaab,isla markaana doonayay inay weeraraan Hotelka Saxafi la toogtay.

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Musharax Juxa ” Raadkayga Dib haloo Raaco “
- Nov 21, 2018
Waa barnaamij kooban oo ka hadlaya Taariikhda wax qabad ee musharaxa madaxweynaha puntland Cabdi ...
DHAGEYSO:-Madaxda ONLF Oo War Ka Soo Saaray Arin La Sugayay
- Nov 21, 2018
oqolaal  ka tirsan ciidamada ONLF  ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jig jiga ee caasimada ...
DHAGEYSO:-Ciidamada ONLF Oo Badalay Jawiga Magaalada Jig Jiga
- Nov 21, 2018
Waxaa Maanta Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida laga dejiyay Ciidamadii Jabhadda ONLF ee ...