Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

TOP NEWS:-Madaxweynaha kenya oo war ka soo saarey ciidamada ka jooga soomaaliya

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ka jooga wadankiisa gudaha Soomaaliya ay baaqi kusii ahaan doonan inta amniga dalka dib loogu soo celinayo.

Kenyatta oo ka hadlayey Dugsi tababar ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay inay Qaramada Midoobay ay ka helaan lacago magdhow ah, kuwaasi oo la siinayo qoysaska wiilashooda ku baxay iyaga oo Soomaaliya ku sugan.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray in caqabado kala duwan oo dhanka maaliyadda ay soo foodsaari doonto ciidamada wadankiisa ee qaybta ka ah AMISOM, balse wuxuu ugu baaqay inaanu udhutin.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo ka badan Afar kun waxay usoo dirtay Soomaaliya bishii October ee sanadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab oo fara kulul ku hayso amniga wadankaan Geeska Afrika dhaca.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa inay dalka isaga hayaamaan sanadka 2020-ka, markaasi masuuliyada nabad-gelyadda guud la filayo in lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed oo diyaar-garow adag ku jira.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Hadalkaas Cabsi Ayaa Kakeeneysa.
    Hadii Ciidamadaadu Ay U Dhimanayaan Shariikadaha Shiidaalka Ee Reer Galbeedka, Ay Dalka Soomaaliya Kaqodanayaan.

    Uhuuroow” Waadqasaartay?




ad

Latest News

Dawladda Somalia oo si adag uga Hadashay Duqayn Kenya ka gaystay gudaha Dalka
- Aug 25, 2019
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul uga hadashay weerarkii   Ciidamada Kenya ay ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Puntland oo si Cajiib ah markii ugu horeysay kaga hadlay Maqaanka Muqsisho
- Aug 25, 2019
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay ...
DAAWO:-Cali Maxamed Geedi Fariin Culus udiray dowlada Fadaraalka Somalia
- Aug 25, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=GUxyhmq_aqY