Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta kasoo muuqan doona maxkamada Adis ababa

Ayadoo maanta ay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa amartay in markii shanaad xabsiga lagu hayo madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa warar laga helanyo dalkaas waxay sheegayaan in la amray in maanta maxkamad la hor geeyo.

Wararkan ku saabsan in berri oo Jimce ah maxkamad la geyn doono Cabdi Maxamuud waxaa warbaahinta u xaqiijiyey ilo madax banaan iyo kuwo ku dhowdhow kooxda difaacaysa.

Ma cadda sababta isbeddelkan degdegta ah loo sameeyey, hase yeeshee maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay ka duwanaan doonto darajo ahaan tii la geeyey afartii goor ee hore.

Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.

Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena “ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”.

Waxaa kale oo iluhu ay sheegayaan in wixii maxkamaddan ka soo baxa loo gudbin doono tii afarta goor ee hore la hor geeyey.

Maxkamaddaas hore ayaa la sheegayaa in ay leedahay go’aanka ah inay qaadato ama diiddo go’aanka maxkamaddan Cabdi la horgeyn doono.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xukunka ka degey horraantii bishii Agoosto, ka dib markii rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga ay ku fideen deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bariga Itoobiya.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Hoolka Sayidka ee Jigjiga oo Xafladdii Ugu Waynayd ee ONLF lagu Qabtay
- Nov 21, 2018
Hoggaanka ONLF Iyo Saraakiisha iyo Ciidamada ONLF ee ku sugan Asmara diyaarado looga soo ...
MUUQAAL:-Magaaladda Cadaado Ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug oo laga dareemayo Kobac Dhanka waxbarashada ah
- Nov 21, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=ZM6jqRNNE0o
DHAGEYSO:-Maxkamadda Ciidamadda Qalbka sida qeybta 60 aad oo xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidanka K/galbeed
- Nov 21, 2018
Maxkamadda Ciidamadda Qalbka sida qeybta 60 aad ayaa xukun dil ah ku riday askari ...