Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Si Kulul Uga Hadlay Qarax Lagu Dilay Xildhibaan Ka Tirsan Maamulkaas

Madaxweynaha  Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaannada Hirshabelle oo u dhintay  Qarax  gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Madaxweyne Waare oo Ku hadlayay Afka Golayaasha Hirshabelle iyo Shacabkuba ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Lagu aas aasay Hirshabelle isagoo door muuqda ku lahaa dhisida iyo Horumarinta Dowladda Hirshabelle,ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Hir-Shabeelle.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Musharax Juxa ” Raadkayga Dib haloo Raaco “
- Nov 21, 2018
Waa barnaamij kooban oo ka hadlaya Taariikhda wax qabad ee musharaxa madaxweynaha puntland Cabdi ...
DHAGEYSO:-Madaxda ONLF Oo War Ka Soo Saaray Arin La Sugayay
- Nov 21, 2018
oqolaal  ka tirsan ciidamada ONLF  ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jig jiga ee caasimada ...
DHAGEYSO:-Ciidamada ONLF Oo Badalay Jawiga Magaalada Jig Jiga
- Nov 21, 2018
Waxaa Maanta Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida laga dejiyay Ciidamadii Jabhadda ONLF ee ...