Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Madaxtooyadda Soomaaliya oo u digtay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramada Midoobey ay si joogto ah uga hadleysay Jahwareerka Siyaasadeed ee ka jira gudaha Soomaaliya ayaa arintaasi, waxaan ka hadlay xubno kamid ah Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa muuqata in ay si weyn uga Carooday war kasoo baxay Qaramada Midoobey,kaasoo looga hadlaayay doorashadda Koonfur Galbeed in ay ku dhacdo si wanaagsan oo dadka degaanka ay ku qanacsan yihiin.

Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ahaa in doorashada Koonfur Galbeed ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis, is ogol iyo mas’uuliyad kujirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya.
Cabdisaciid Maxamed Cali La taliyaha ammaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobey aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Cabdisaciid ayaa yiri : “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dhaqankaasi waa mid aan la soo dhoweyneyn”
Hadalka La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Ammaanka ayaa muujinaya mug siyaasadeed oo ka dhex jira Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo baaq cajiib ah diray & halka uu u diray
- Sep 17, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay qowmiyadaha raadinaya ismaamulka hoose inay muujiyaan dulqaad ilaa ...
DAAWO:-Sh. Idiris oo ka Murugooday Musuqa iyo Ceebtii ka dhacday Soomaalidii Deeqda Waxbarasho ka helay Turkiga
- Sep 17, 2019
https://youtu.be/uMiJwjX_ZO4
DAAWO:-Loolanka Xilka Madaxwaynaha Galmudug oo Bilowday iyo Khudbadii Guutaale
- Sep 17, 2019
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaano ...