Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Howlgal Wadooyinka Muqdisho Looga Aruurinayo Xoolaha Oo Bilaawday

Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda Nadaafadda ayaa bilowday olole lagu aruurinayo Xoolaha sida sharci darrada ah loogu soo daaq-geeyo Waddooyinka Caasimadda.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u soo saaray wareegto lagu mamnuucayo Xoolaha waddooyinka Caasimadda iska dhex jooga. Iyadoo la sameeyey Xerrooyinkii loogu talagalay oo lagu diyaariyey xannaanada ay xooluhu u baahan yihin.

“Ma aqbali karno in Waddooyinka Caasimadda ay iska dhex joogaan Xoolo, kuwaas oo dhibaato ku ah bilicda iyo nadaafadda Caasimadda, waxaan u sheegaynaa qof walba oo leh xoolahan inuu ka saaro magaalada, ciddii u hoggaansami waydana waxay waayi doontaa xoolahooda, sharciga ayaana lala tiigsan doonaa”.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in la diyaariyey xerooyinkii baadi qabadka, halkaas oo lagu xanaanayn doono xoolahan, isla markaana dadkii u hoggaansami waayay wareegtada ay waayi doonaan xoolahooda, laguna wareejin doono Ciidanka Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Goodax Barre ayaa sheegay in qaar kamid ah jidadka ay ka bilaabeen ololahan, isla markaana guud ahaan degmooyinka magaalada laga sifeyn doono xoolaha sida sharci darrada ah u jooga waddooyinka.

Waxuu digniin u jeediyey shaqsiyaadka leh Xoolaha oo lagula xisaabtamayo wax walba oo dhibaato ay geysteen gaar ahaan nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Madaxda dalka oo loogu baaqay in Jawaab cad ay ka bixiyaan Qariirada loogu gefay Qaranka Soomaaliya
- May 27, 2019
Hogaanka dowlada soomaaliya ayaa si deg deg ah loogu baaqay in jawaab waafi ah ...
Caro xoogan oo ka dhalatay Qariirada Afrika oo Itoobiya ay ka saartay Soomaaliya
- May 27, 2019
Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya qariirad Afrika oo la soo dhigay bogga ...
Guddoomiye Yariisow oo shaqo joojin ku sameeyay mid ka mid ah Kuxigeenadiisa
- May 27, 2019
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa shaqo joojin ...