Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Gudoomiye Yariisow oo Si kulul ugu hadlay Shacabkii Shalay lagu dilay Muqdisho.

War Kooban oo uu ku daabacay  Bartiisa Twitter-ka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa Waxaa uu kaga hadlay dhacdii shalay ka dhacay Isgooska Ex-kontorool ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Yariisow ayaa shaaca ka qaaday inuu la kulmay taliyaha Ciidanka AMISOM, islamarkaana waxaa uu  kala hadlay sidii  loo soo qaban lahaa askartii ka dambeysay dadkii Shacabka ahaa ee shalay lagu dilay Degmada Hilwaa ee Gobalka Banaadir.

“Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto.”

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka AMSIOM uu ka dalbaday inuu baaris dhab ah ku sameeyay sida uu u dhacay kiiska, islamarkaana gacanta lagu soo dhigo askartii dhibaatada u geysatay Dadka Shacabka ahaa.

“ Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, Waxaa uuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday” Sidaasi ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Shalay ayay aheyd markii kolonyo ka tirsan AMISOM ay dad Shacab ah ku dishay degmada Hilawaa ee Gobalka Banaadir.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo baaq cajiib ah diray & halka uu u diray
- Sep 17, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay qowmiyadaha raadinaya ismaamulka hoose inay muujiyaan dulqaad ilaa ...
DAAWO:-Sh. Idiris oo ka Murugooday Musuqa iyo Ceebtii ka dhacday Soomaalidii Deeqda Waxbarasho ka helay Turkiga
- Sep 17, 2019
https://youtu.be/uMiJwjX_ZO4
DAAWO:-Loolanka Xilka Madaxwaynaha Galmudug oo Bilowday iyo Khudbadii Guutaale
- Sep 17, 2019
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaano ...