Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Ilhaan Cumar oo guul taariikhi ka soo hoysay doorashada Aqalka Congresska Mareykanka

Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka soo hoysay doorashada Mareykanka ee xulliga dhexe, kaddib markii loo doortay Kursiga Aqalka Hoose ee Congress-ka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay qofkii u horeeyay oo Soomaali ah ama Muslim ah oo taariikhda Mareykanka ku guuleysatay Xildhibaan Kursiga Aqalka Congress-ka.

Guushan ayaa ka dhigan in Ilhaan ay wixii ka dambeeya fariisan doonto magaalada Washington, gaar ahaan kursiga Aqalka Congress-ka Mareykanka oo ay ku matali doonto Xisbiga Dimoqraadiga ah.

Sidoo kale waxaa doorashada Xilliga Dhexe ee Mareykanka guuleystay Soomaali kale oo kala ah Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur, kuwaasoo ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota.

Soomaalida degan Minnisotta ayaa soo dhoweeyay guushan taariikhiga ah ee ay soo hoyeen Soomaalida, gaar ahaan Guusha Ilhaan Cumar ka soo hoysay Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa si aad ah isha loogu hayay, waxaana dabaal degyo ka bilowday Gobolka Minnesotta oo ay u badan tahay Soomaalida.

https://youtu.be/qjQTbm8qEBI

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. jugsodhacay says:

    MAJEERTEENKII MA ILAA WASHITGON IYO AMERICA AY KURAAS KUYEESHEEN,CANADANA WASIIR BAY KANOQDEEN mar dhaw waxaa arki wasir asal ahaan majerteen ah oo china wasiir ka ah.




ad

Latest News

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta kulan aan caadi ahayn yeelanaya
- Aug 19, 2019
Madaxweynaha Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeesheen ...
DAAWO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Baardheere ayaa Al-Shabaab kala wareegay saldhiyo
- Aug 19, 2019
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Baardheere ayaa Al-Shabaab kala wareegay saldhiyo ...
DAAWO:-Wasaarada Amniga Jubbaland oo sheegtay in lagu been abuurtay
- Aug 19, 2019
https://www.facebook.com/JLTVOfficial/videos/646499089193725/