Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay Eedeysane loo heystay Weerarkii Zoobe

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari Noha ah oo qarax uu saarnaa , kaasi oo lagu qabtay Xaafada Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir, sanadkii 2017-kii maalintii uu dhacay qaraxii masiibada ahaa ee Zoobe 14-kii October.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen. Liibaan Cali Yarow ayaa warbaahinta u  xaqiijiyay in Maxkamadda ay saakay dil ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo hay’adda amniga ay qabteen xili uu waday gaari qarax uu saarnaa.

Isaaq ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa Qaraxii Musiibada ahaa ee Shacabka Soomaaliyed lagu laayay 14-kii October.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta kula hadlay xukunka kadib fagaaraha Iskuul Bolisiya oo ah halka ay toogashadu ka dhacday.

Maanta ayaa waxaa laga joogaa qaraxii Zoobe Sanad,kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo Qof sidoo kalana ay ku dhawacmeen dad tiradoodu ay kor u dhaafayso 700 Qof oo shacab Muqdisho u badan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay
- Oct 18, 2018
Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay ...
DAAWO:-Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada X/Weyne
- Oct 18, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah ...
Akhriso:-Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo Looga Hadlay Arrimaha Amniga, ansixin xeerar iyo Soo dhaweynta Guddiga Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah DFS
- Oct 18, 2018
Shirka Golaha Xukuumadda dawladda Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Soo dhaweynta ...