DHAGEYSO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise sharciyeedka dhismaha Hay’adda dadka Naafada ah
Kulanka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa ay mudanayaasha golaha Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah, waxaana Xildhibaanada sharcigan muhiimada uu leeyahay iyo saameeynta maaliyadeed ee uu ku leeyahay miisaaniyadda Dalka u faah faahisay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji, iyadoo golaha ka codsatay in sharcigan la ansixiyo.
Qaar ka mid Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay Hindise Sharciyeedka iyagoo qaarkood su’aalo hindise sharciyeedkan la xiriira weydiinayay Wasiirka Haweenka.
Ma’uuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayeen ee ku qotoma Hindise sharciyeedka.