Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Maamulka G/Banaadir oo dib u furay garoon ay xireen Shabaab

Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi (Tuulax) ayaa xalay dib u furay garoon kubada cagta lagu cayaaro ururka Al Shabaab ay xireen Lix bilood kahor, kaasi oo ku yaalla xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Talaabada uu qaaday guddoomiye Tuulax ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii  isaga iyo saraakiil ciidan ay kormeer ku tageen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in Ururka Al Shabaab aysan ka talin magaalada Muqdisho, taasi bedelkeeda ayuu amar ku bixiyay inaan garoonkaas dib dambe loo xiri karin.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda gobolka Banaadir ayaa sheegay hadii garoonkan uu xirmo in wax laga weydiin doono taliska booliska qeybta Bari iyo maamulka degmada Yaaqshiid.

“Waxaan lug ku soo marnay xaafado badan, sidii aan u soconay waxaan ku soo dhacnay garoonkan oo sida la ii sheegay xirnaa Lixdii bilood ee u dambeysay, waxaan xiray nimanka nabad-diidka ah oo dadkii garoonkan lahaa telefoonka kala soo hadlay, waxaa masuuliyad naga saaran dhalinyarada inay helaan amnigooda iyo goob ay ku cayaaraan”. ayuu yiri guddoomiye Tuulax.

Amarada ay soo saaraan Al Shabaab ayaa si toos ah wuxuu uga dhaqan galaa degmooyinka Gobolka Banaadir, sida bixinta canshuurta ganacsatada iyo fulinta awaamiirta kale ee Shabaab ay ku soo rogaan dadka Muqdisho, xilli dowladda ay maamuleyso magaalada.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay
- Oct 18, 2018
Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay ...
DAAWO:-Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada X/Weyne
- Oct 18, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah ...
Akhriso:-Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo Looga Hadlay Arrimaha Amniga, ansixin xeerar iyo Soo dhaweynta Guddiga Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah DFS
- Oct 18, 2018
Shirka Golaha Xukuumadda dawladda Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Soo dhaweynta ...