Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Shan ruux oo ururka Al-Shabaab ku toogtay maanta degmada Saakow

Wararka ka imanaya degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xooggaga Alshabaab ku toogteen shan ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin ama sirdoon.

Qaadiga Maxkamadda oo boqolaal qof ka hor akhrinayay xukunka Maxkamaddu soo saartay ayaa sheegay in shanta Nin ee latoogtay ay u shaqeynayeen sirdoonnada Dowladda Kenaya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al Shabaab waxay sheegtay in dhammaan Ragga maanta lagu dilay degmada Saakoow ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay ee ah in ay u basaasayeen dhinacyo shisheeye.

Raggan maanta lagu toogtay magaalada Saakow ayaa magacyadooda lagu kala sheegay
1-Cabdiraxmaan Xuseen Max’med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Maxamed Yuunus Mad Keer
5-Cabdishakuur Xasan Xuseen.

Labo maalmood ka hor ayaa sidaan oo kale Xarakada Al Shabaab ay magaalada Jilib ugu toogteen illaa 5 ruux oo ay lagu eedeyay in ay u basaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO: Munaasibada 26-Ka June iyo Madaxwayne Farmaajo oo ka Qayb galay
- Jun 26, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda uga qeyb galay Guriga ...
MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Muqdisho ka Sheegay Hadal Taariikhiya
- Jun 25, 2019
https://m.youtube.com/watch?v=dLVNbCKoZ24
Dawladda Somalia oo Waxba kama jiraan ku sheegtay Shirkii Nairobi iyo Wadahadalka Somaliland [Warbixin
- Jun 25, 2019
Dawladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku Tilmaantay Wadahadal  la sheegay inay Nairobi kula ...