Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Kulan Looga Hadlayey Xoojinta Amniga Iyo dar-Dar Gelinta Hawlaha CXDS Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa shir  Guddoomiyah kulan looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada Xoogga wadaan kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan uu guddoominayay Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Abuukar Isloow,taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen, Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan wasaaradda caddaaladda, Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Amb; Francisco Madeira, Xubno ka socday Midowga Yurub iyo saaxiibbada Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (ammar-dambe), ayaa sheegay in ay xubnahaasi ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Gobalada Dalka .

“Kulnka waxaa looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Goballada Dalka ,waxaan isla meel dhignay dhammaan qorshayaashii aan ka wada hadalnay” ayuu yiri Wasiirku.

Intii uu kulanka socday ayaa waxay Labada dhinac qiimayn ku sameeyeen horumarka laga gaaray xagga ammaanka Dalka, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii May 2017-kii ka dhacay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay inay waqtigan Ciidamadu howl-gallo ka wadaan Gobollada Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan, iyagoo garabsanaya AMISOM, halkaasoo ay guulo la taaban karo kasoo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Jubalander says:

    Dowladihii kaliya oo Somali sharafteedii iyo sumcaddeedii Soo celin lahayd Mooryaan tuugo ku Soo kortay ayaa lugaha KU dhaggan,adduunyadu hadda waa atagtay tuugtaas tuugnimada ku kortay oo raba in Somaali aysan meelna u soconi. Iyakaa sidaasay ayey igu baxdaa, xaaraan KU naax xaaraan KU naax dhalay ayaa subax walba idaacad hor fadhiyaan,oo dhahaysa Aryaa dowladdaan xaq wax ma u qaybiso,caddaalad maa ahaa, intaan ognahay Farmaajo iyo xassan kheyra,dadkii ay dhasheen midkood a wax Uma qaban.kuwani waxay leeyihiin Aryaa Raiisulwasaare unnukaa xaq u leh.Iimaanka Allah idinka qaad.




ad

Latest News

DAAWO:-Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay
- Oct 18, 2018
Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay ...
DAAWO:-Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada X/Weyne
- Oct 18, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah ...
Akhriso:-Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo Looga Hadlay Arrimaha Amniga, ansixin xeerar iyo Soo dhaweynta Guddiga Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah DFS
- Oct 18, 2018
Shirka Golaha Xukuumadda dawladda Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Soo dhaweynta ...