Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Muqtaar Roobow oo walaac ka muujiyay dib u dhaca Magacaabista Guddiga doorashada Koonfur galbeed

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax u taagan qabasahda xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulkaasi kulan kula qaatay qaar kamid ah xildhibaanada koonfur galbeed.

Muqtaar Roobow oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed oo aan la magacaabin weli,iyadoo dhawaan la filayo in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale qaar kamid ah xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dib u dhinaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku dhaliilayaan Madaxa Koonfur galbeed oo ay sheegeen inuu ka meer meerayo magacaabida gudigaas.

Dhawaan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan musharixiin badan oo uu kamid ah Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay
- Oct 18, 2018
Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay ...
DAAWO:-Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada X/Weyne
- Oct 18, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah ...
Akhriso:-Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo Looga Hadlay Arrimaha Amniga, ansixin xeerar iyo Soo dhaweynta Guddiga Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah DFS
- Oct 18, 2018
Shirka Golaha Xukuumadda dawladda Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Soo dhaweynta ...