DHAGEYSO:-Xildhibaanada Galmudug garabka Cadaado oo sheegay inay dooranayaan Madaxweyne
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug garabka fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa ku dhawaaqay inay dooran doonaan Madaxweynaha Galmudug, kaddib markii ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo isna ay xilka ka qaadeen Xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhowaan magaalada Cadaado ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa hadda waxay xarun u kala tahay garabyada u kala qeybsantay Galmudug, sida Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir oo fadhigooda yahay Dhuusamareeb, halka Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabeey iyo Cali Gacal Casir uu fadhigooda yahay Cadaado.
Loading...