DHAGEYSO:-Taliska Ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka oo Soo bandhigay Shilalkii ka dhacay Muqdisho
Shilalkaan ka dhacay Magaalada Muqdisho 9-kii bil ee ugu dambeeyay ayaa geystay Dhimasho iyo dhaawac.
General Axmed Xasan Maalin Taliyaha Hogaanka Ciidamada Ilaalada Nabad galyada waddooyinka ayaa sheegay in guud ahaan shilalkii dhacay sanadkaan ay gaarayaan 875-shil, 602-shil kamid ah waxaa galay Mooto Bajaaj.
Waxa uu General Axmed sheegay in shilalkaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan oo shacabka gaaray.
Gaashaanle sare Aways Macalin Yaroow Taliyaha qaybta Ciidamada Nabad Galyada Waddooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kaliya bishii tagtay September ay dhaceen shilal gaaraya 98-shil, 73-kamid ah ay galeen Mooto Bajaaj.
8-qof oo geeriyootay ayay Diiwaan geliyeen Taliska Ilaalada Nabad galyada waddooyinka shilalkii Muqdisho ka dhacay bishii tagtay ee September.
Shilalka Gaadiidka ayaa loo sababeeyaa Wadayaasha oo aan laheyn Khidrad ku filan, sidoo kalena ay u wadaan si xad dhaaf ah, taas oo keenta in ay Xakameyn waayaan, sidaasna uu shilka ku dhaco.
Taliska Ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku Xakameynayan wadayaasha Gaadiidka si loo yareeyo Shilalkaan Khasaaraha Dhimasho iyo kan dhaawac geysta.