Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Duufaano xoogan oo ku soo wajahan xeebaha waqooyi bari Soomaaliya

Duufaano dableyo xoogan wata ayaa Axada soo socota wixii ka dambeeya waxa ay ku dhufanayaan dalalka Cumaan, Yemen, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Culimada saadaasha hawada oo warkan soo saaray ayaa ka digay halista duufaantan, waxayna dadka uga digeen inay u dhawaadaan xeebaha wixii berri ka dambeeya.

Culimada saadaasha hawada ayaa waxa ay sheegeen in Soomaaliya duufaantan ay ka saameyn doonto xeebaha waqooyi bari Somaliya ee Puntland.

Dad ku xeeldheer saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha cimilada ayaa sheegaya in duufaanadu dhanka waqooyi u sii socdaan ilaa ay caga dhigtaan dalka Cumaan abbaaraha 14-ka Aoctober 2018.

Dadka Kalluumeysatada ah ee wata doomaha yar yar ayaa looga digay inay u shaqo tagaab xeebaha maalmaha soo socda, sababo la xariira halista duufaantan.

Duufaantan oo saacadiiba jareysa 100-KM, idlamarkaana ay la socdaan daruuro iyo roobab ayaa aad looga cabsi qabaa inay geysato khasaare isugu jira naf iyo maal.

Duufaantan oo loo yaqaano Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta- duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

5 Waxyaabood oo Islaamku Dunida kusoo Kordhiyey (Video)
- Jun 19, 2019
Waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo aqoonyahanadii Islaamku dunida kusoo kordhiyeen hadana caalamku ka ...
DAAWO;-Puntland Sheegtay In Vise Ama Dalku Gal Lagu soogali Doono Deeganadeeda
- Jun 19, 2019
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay ...
DAAWO-Villa Somalia oo Qorsheysay Amniga Doorashada Jubaland
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/dUN3ejREoJU