Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Waxyaabaha Reer galbeedku ka qaateen diinta islaamka ee ay ku aflaxeen ! Bye Cabdirisaaq jubba.

Qaar badan oo ka tirsan anshaxyada ay aadka u adkayso diinta Islaamku ee ku qoran Kitaabka Qur’aanka Kariimka, ayaa aad uga muuqda bulshada reer Galbeedka marka loo eego dadkii ay ahayd inay ka muuqdaan ee dalalka Islaamka oo ku fashilmay inay qoor qooraystaan anshaxyada iyo dhaqamada ay dhiirrigelinayso diinta Islaamka, sida caawinta dadka aan waxba haysan, ku dadaalka aqoonta, siyaasadda aan musuqa lahayn, cadaaladda, isla xisaabtanka, runta, qiyamka, doorashada dadka nadiifka ah ee xilkaska ah, midnimada iwm, sida uu sheegayo aqoonyahan Jaamacadda George Washington University.

Daraasad lagu sameeyay 208 dal ayaa lagu ogaadey in dalalka arrimahaa aannu sheegnay oo ku wada xusan diinta Islaamka kaalinta 1-aad ka galay aysan Islaam ahayn, waxaana ugu horreeysa Ireland, kaddib Ireland, Denmark, Luxembourg, Sweden, the United Kingdom, New Zealand, Singapore, Finland, Norway iyo Belgium.

Waxaa la yaab leh in dalka Muslimka ah ee liiska ugusoo horreeya uu kasoo jeedo kaalinta 33-aad waana dalka Malaysia, halka dalka kale ee 50-ka sare ku jira ee Islaam ihi uu yahay Kuwayt oo 48-aad qotonta.

Hossein Askari, oo ah Prof Muslim ah oo Ganacsiga iyo Arrimaha Caalamiga ah ka dhiga George Washington University, ayaa sheegay in dalalka Muslimka ah, oo ay ku jiraan kuwa sheegta inay Shareecada ku dhaqmaan ay ku badan yihiin musuqa, cadaalad darrada, isla markaana ay ku dambeeyaan dhanka aqoonta iyo horumarka, taasoo muujinaysa inaysan ”Islaam” fiican ahayn, sida uu qabo profesoorku.

“Haddii dal ama dad ay ka muuqdaan baxaalliyo ay ka mid yihiin madax kali talis ah, musuq, cabburin, xukaam aan cadaali ahayn, fursadaha horumarka aadmiga iyo sharciga oo aan loo sinnayn, maqnaanshiyaha xorriyadda doorashada, faqri baahsan oo laga fursan karo, xoogga oo xal ahaan loo adeegsado, waxay taasi muujinaysaa inaysan bulshadaasi ”islaam ahayn.” ayuu raaciyay Prof Askar.

Wuxuu sheegay in diinta Islaamku ay tahay mid boorrinaysa horumarka iyo karaamada insaanka iyo in uu qofka Muslimka ihi sharaf iyo cisi ku noolaado ee aysan ahayn inuu aqbalo nolol liidata tayo ahaan iyo anshax ahaanba.
Waa wax layaab leh in dhaqamadan wanaagsan ee kusoo arooray diinta islaamka inaan looga dhaqmin dunida muslimka !

Bye : Cabdirisaaq jubba .

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliska maraykanka ee Afrika oo sheegay iney duqeyn ku dileen 62-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab
- Dec 17, 2018
Taliska Mareynkanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 16-kii bishan ...
MUUQAAL:-C/raxmaan C/shakuur “Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December”
- Dec 17, 2018
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka War Bixiyey Kulankii Ay La Yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi
- Dec 17, 2018
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka ...