Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Culimo banaanka soo dhigay Gefafka iyo khaladaadka diineed ee ku jira xeerka kufsiga ee Somaliland 

Culimada maamulka Somaliland ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay kusoo bandhigeen gafef iyo khaladaad diimeed oo ku jira Xeerka Kufsiga ee maamulka Somaliland oo dhawaan ansixiyeen golayaasha maamulkaasi.
Xeerkan ayaa dhaliyay caro iyo muran badan , waxaana markii dambe maamulka Somaliland ku qasbanaadeen in dib u eegis ku sameeyaan qodobo badan oo xeerkan ku jira.

Ujeedo: Bayaan Culimo (Gefafka iyo khaladaadka diineed ee ku jira xeerka kufsiga ee Lr78 / 2018).

Inaga oo ah ummad Islam oo jecel sharciga ilaahay kana soo horjeedna wax kasta oo lidi ku ah caqiidada iyo axkaamta shareecadeena suuban, waxaan inaga qarsoonayn in uu ku socdo dagaal maskaxeed oo baaxad weyn oo ku wajahan bulshada muslimka ah ee aynu ka midnahay, dagaalkaas oo midabbo badan leh, ujeedadiisuna tahay in ummada iyo diinteeda islaamka ah lakala fogeeyo lana burburiyo dhaqankii wanaagsanaa ee ku salaysnaa islaamnimada.

Hadaba dagaalkaas waxa loo marayaa wadooyin kala duwan waxaana lagu bixinayaa dhaqaale iyo dadaal laxaad leh, dagaalkaa muuqaaladiisa waxa ka mid ah in ummada laga dilo xishoodka iyo anshaxa suuban iyada oo dhegahooda laga badinayo maqalka arimo la xadhiidha dhaqan xumada, oo aan ka jirin gayigooda, waxa kale oo ka mid ah in la baddalo oo la laalo axkaamtii shareecada iyo ciqaabihii ilaahay u jideeyay fal danbiyada waaweyn, sida Sinada, cabitaanka khamriga, isticmaalka daroogada, qadafka iyo wixii lamida, iyadoo lagu bedalaayo xeerar lagasoo dheegtay xeerarka ummadaha aan muslimka ahayn, kuwaas oo xanbaarsan mabaadi iyo dhaqamo xun xun oo ka horimanaya dhaqankii ummadan ee ku dhisnaa islaamnimada, iyada oo la ogsoonyahay in ummad walba xeerarkeeda iyo dhaqamadeedu ku salaysanyihiin wax ay rumaysantahay.

Hadaba waxa inagu cusub xeer si degdeg ah loo marsiiyay golayaasha qaranka, xeerkaas oo lagu Magacaabay Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ( xeer LR 78 / 2018) xeerkaas oo ay ka biyo diideen in badan oo ka mid ah labada gole ee Baar- lamaanka iyo guurtida hase ahaatee aan loo joojin , shacabkuna ay ka muujiyeen inuu yahay xeer khilaafsan diintooda, dhaqankooda suuban, meel ka dhacna ku ah islaamnimadooda iyo sharaftooda .

Hadaba markaanu xeerkan u eegnay si cilmiyaysan oo ku miisaaman shareecada islaamka oo ka fog caadifad iyo laablakac waxa noo soo baxday inuu yahay xeer xanbaarsan gefef iyo qaladaad diineed iyo dhaqanba , ujeedada looga gol leeyahayna tahay in umadda lagu furo albaabka dhaqan xumada, iyada oo loogu gabanayo daryeelka nugulka ummada iyo ladagaalanka xadgudubyada jinsiga Sidaa awgeed waxaanu halkan kusoo bandhigaynaa qodobada ugu muuqashada badan ee muujinaya khaladaadka xeerkan waajibinaya in la buriyo lagana toobadkeeno :
1 – Xeerkani wuxuu masabiday kuna been abuurtay shareecada islaamka waayo iyada oo ay cadahay sida uu lidiga ugu yahay shareecada islaamka axkaamteedana uga fogyahay, ayuu ku daray ujeedooyin ka xeerkan loo dajiyay inuu yahay xeer waafaqsan shareecada islaamka , dastuurka qaranka jsl , mabaadida guud ee cadaalada, qiyamka, iyo dhaqanka suuban ee ummadu leedahay ( eeg qodobka 3aad faqrada koowaad ) . Waxaynu ogsoonahay ku been abuurashada ilaahay lagu been abuurto iyo shareecada in loogu abtiriyo waxaan kamid ahayn inuu yahay danbiyada ugu waaweyn ee ilaahay laga galo , siduu ilaahay yidhi: ( ولا تقولوا لما تصف ألسنتكم الكذب هذا حلال وهذا حرام لتفتروا على الله الكذب إن الذين يفترون على الله الكذب لا يفلحون, متاع قليل ولهم عذاب أليم ) النحل / الاية 116 – 117وقال تعالى (انظر كيف يفترون على الله الكذب وكفى به إثما مبينا ) النساء / الاية 50 2 –
2-Xeerkani wuxuu afka ka dhawray inuu adeegsado areyga shareecadu u isticmaasho, muslimiintuna fahmi karaan oo ah ( Sino ) wuxuuna badalkeeda adeegsaday areyo kale sida : galmo iyo kufsi oo ah (sino loo isticmaalay awood iyo jujuub), waxuuna hoos geeyay wax aanay shareecadu Sino u aqoon, sida xubinta taranka oo lagu isticmaalo meel ka baxsan xubinta taranka iyo dabada , taas oo ula jeedadeedu tahay in ummada laga dhaadhiciyo in sinada foolxumada ahi ay tahay ta ku timaada si khasab iyo jujuub ku dhisan sida kufsiga , isla markaana sinada lagu kala raali yahay aanay ahayn denbi ciqaab lagu mutaysan karo. ( eeg cutubka koowaad , qodobada guud , qodobkiisa koowaad ee ku saabsan erey bixinta) .

3 – Xeerkani wuxuu ku koobay Sinada fal danbiyeedka ah ta ku dhacda ogolaansho la’ aan ama lagula kaco qof aan ogolaansho bixin Karin ama lagu khiyaameeyay nooca sinada ama cida uu la sinaysanayo iyada oo sinada laysla ogolyahay aanu ku sheegin fal danbiyeed wax ciqaabana aanu u jaan goyn , waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay ( eeg qodobka 4 aad faqradiisa koowaad xarafka b)

4 – Xeerkani wuxuu laalay ciqaabtii shareecadu u dejisay qofka Sinaysta , si khasab ah ama qofka kale la ogol yahay ciqaabtaas oo ah :

A – hadii qofka sinaystay guur sharci ah soo maray in la arjumo ( dhagax lagu dilo).

B – hadii qofka sinaystay aanu soo marin guur sharci ah in lagu dhufto boqol jeedal sanadna laga mastaafuriyo deegaanka uu ku sinaystay.

J – Hadii uu ku sinaystay weerar hubaysan wuxuu mutaysanayaa in la mariyo ciqaabta shareecadu u dejisay budhcadnimada ee ku xusan aayada 33 ee suurada maaida. Xeerkani xadkii sinada wuxuu ku bedalay xeer ciqaabeed kale oo laga soo dheegtay xeerarka ay samaysteen gaaladu sida Faransiiska iyo Ingiriiska oo u badan xadhig . ( eeg qodobada 4 aad ilaa qodobka 15 aad ) .

5 – Xeerkani wuxuu fasaxayaa galmada dhex marta laba qof oo kasta oo isku jinsi ah ama kala jinsi ah, marhadii ay raali iskaga yihiin oo ogolaanshana bixin karaan , waayo wuxuu faldanbiyeed ciqaab lagu mutaysan karo ka dhigayaa galmada ku dhacda ogolaansho la’ aan , ama lagula kaco cid aan ogolaansho bixin Karin , isagoo marnaba fal danbiyeed ku sheegin ta raali lays kaga yahay oo aan wax ciqaab ahna aan u sheegin ( eeg qodobka afraad faqradiisa koowaad xarafkiisa b , qodobka 7 aad faqradiisa koowaad xarafka b iyo t , qodobka 8 aad faqradiis koowaad , qodobka 9 aad faqradiisa koowaad . Tani waxa markhaati cad u ah xeerarka xeerkan laga soo dheegtay oo iyagu arin kan si cad u sheegaya oo aan u maldahin sida xeerkani u maldahay .

6 – Xeerkani wuxuu faldanbiyeed ka dhigayaa galmada iyo fara kaciyaarka dhex mara labada lamaane ee is qaba hadii ay u dhacdo si aan midkood raali ku ahayn , waayo wuxuu fal danbiyeed ka dhigay galmo iyo fara kaciyaar kasta oo ku dhacda ogolaansho la ‘aan, isaga oo aan kala qaadin ta dhexmarta lamaanayaasha is qaba iyo ta dhex marta dadka aan xalaasha isu ahayn , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecadu fal danbiyeed ka dhigtay hadii labada lamaane midkood kasoo bixi waayo galmada ka kele xaq ugu leeyahay iyada oo aanu haysan wax cudur daar ah oo shareecadu tix galisay ,waxaa rasuulkeena suubani yidhi : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( إذا دعا الرجل امرأته الى فراشه فأبت عليه فبات غضبانا عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح ) متفق عليه. ( eeg qodobka 8 aad faqrada koowaad )

7 – Xeerkani wuxuu si duuduuban oo aan kala qaadis lahayn faldanbiyeed uga dhigay in qof loo guuriyo iyada oo aan ogolaansho laga hayn taas oo macnaheedu yahay hadii waligu uu guuriyo gabadh aan qaan gaadhin inuu ku kacay faldanbiyeed uu ciqaab ku mutaysanayo, waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay , iyada oo aynu ognahay in shareecadu ogoshahay in loo guurin karo qof yar ama waalan hadii dantiisu ku jirto . ( eeg qodobka 9 aad ).

8 – xeerkani wuxuu yidhi waxa caruur looga jeedaa qof da’diisu ka yartahay 18 jir sida ku cad boga erey bixinta , taas oo macnaheedu yahay in qofka ka yar 18 jir aanu qaan gaadh ahayn , iyada oo la ogyahay in shereecadu qaan gaadhka iyo ka gudubka axkaamta caruurnimo ku xadaysay in uu dhamaysto 15 sano oo dayax tirsi ah, sida ku cad xadiiska ibnu cumar, mad-habka shaaficiyaduna dhigayso , sidoo kale xeerkani wuxuu meesha ka saaray calaamadaha kale ee qaan gaadhka ee ay ka mid tahay: inuu qofku arko biyaha taranka ama dhiigga caadada ku waas oo la heli karo inta aanay u dhamaan 15 sanadood . Arintana waxa ka dhalanaya waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in laga rido waajibaadkii qofka qaan gaadhka ah shareecadu saartay , lana marin ciqaabta ka dhalata fal danbiyeedyada uu galo iyo in la lumiyo xuquuq uu yeelan lahaa marka uu qaan gaadho sida masuuliyada ka saaran naftiisa maalkiisa iyo cida kale ee uu masuul ka noqon lahaa.

9 – Xeerkani wuxuu ka dhigay qofka sharci daro ku xidhan ee khiyaarkiisa kula sinaystay qof kale mid khasban oo ka mid ah dadka aan ogolaanshaha bixin Karin , sidoo kale wuxuu ka dhigay qof khasban oo aan ogolaansho bixin karin qofka khiyaarkiisa kula sinaystay qof ka meeqaan iyo awood sareeya . iyada oo aynu ogsoonahay in qofka qaan gaadhka ah ee miyirkiis iyo maankiisa qaaba uu ogolaansho bixin karo mar hadii aanu khasbanayn , inuu xidhanyahay ama laga meeqaan sareeyaana ka dhigi mayso mid khasban .( eeg qodobka 1aad ee erey bixinta ).
10 – Xeerkani wuxuu ku soo koobay is qaawinta anshax darada ah ee ciqaab lagu mutaysanayo inuu dadka dhexdiisa si ula kaca isugu qaawiyo ( mudug iska dhigo ) ama uu ka faydo marada xubnihiisa taranka . ( eeg qodobka 14 aad ) . Taasi oo macnaheedu noqonaya in hadii qofku muujiyo qaar ka mid ah xubnaha ay shareecadu cawro u taqaan marka laga reebo xubnaha taranka oo kali ah , in aanay ahayn anshax daro ciqaab lagu mutaysan karo , waana sida ku cad xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegatay dhaqana u ah gaalada manta joogta ee aynu aragno .

11 – Xeerkani wuxuu kala duwayaa ciqaabta kufsiyada iyo xadgudubyada jinsi ee ka dhaca qaybaha bulshada ee kala duwan sida madaxda dadka da’ada ah iyo kuwa meeqaamka bulshada dhexdeeda ku leh iyo kuwa kale ee bulshada ka mid ah ,si khilaafsan shareecada islaamka , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecada islaamku aanay ku dhisin xadka sinada dabaqadaha bulshada ee qofku ka tirsanyahay marka laga reebo xornimada iyo adoon nimada . ( eeg qodobka 7 aad faqradiisa 1 aad ) ( qodobka 10 aad faqradihiis 1 aad 2 aad 3 aad) .

12 – Xeerkani wuxuu meesha ka saaray oo aanu soo hadal qaadinba dhamaan cadaymihii shareecadu u dhigtay sugida qofku inuu sinaysatay ama wax kufsaday sida qiraal iyo markhaatiyaal looga qaateen ah . ( eeg qodobada khuseeya cadaymaha ee ku hoos jira qodobka 32 aad ).

13 – xeerkani wuxuu dhigayaa si loo go’aansado xukun lagu rido danbiilaha in ay tix galiso, ama ku xisaabtanto xogta uu dhibanuhu afka ka sheego ama laga qoro ee tilmaamaysa dhaawaca ama dhibta kasoo gaadhay fal danbiyeedka loo gaystay . eeg (qodobka 37 aad faqradiisa 1 aad) . Taas oo macnaheedu noqonayo in muduciga sheegashadiisa maxkamadu ku go’aan qaadan karto iyada oo aan qiraal iyo cadayn toona lahayn taasina waxay khilaafsantay xadiiskii nabiga ee ahaa: لو يعطى الناس بدعواهم لادعى رجال دماء رجال وأموالهم ولكن البينة على الطالب واليمين على المطلوب ) رواه البيهقي واصله في الصحيحن 14 –

14-Xeerkani wuxuu sheegayaa in la ciqaabayo caruurta iyo dadka waalan haday gaystaan fal kufsi ama xadgudub jinsi hase ahaatee ciqaabka loo khafiifinayo eeg (qodobka 35 aad xarfihiisa b iyo j ). Taasina waxay khilaafsantay shareecada islaamka oo sheegtay in qalinka laga qaaday qofka waalan iyo ka aan qaangaadhin wax ciqaab ahna aanay lahayn , wixii wax yeelo ah ee ay gaystaana waa la magdhabayaa .
15 – Xeerkani wuxuu laalay oo uu buriyay xeerkasta oo kale ama qodobkasta oo sharci oo kasoo horjeeda am aan waafaqsanayn xeerkan wuxuuna ku andacooday in lagu badalay qodobada xeerkan . eeg (qodobka 45 aad faqradiisa 2 aad) Taas oo macnaheedu yahay in xeerkani buriyay laalayna axkaamtii shareecda ee ku saabsanayd xadka sinada,kufsiga, xadgudubyada jinsi cadaymahooda iyo dustuurka jsl ee dhigaya in xeerkasta oo shareecada ka hor imanayaa yahay waxba kama jiraan .

16 – Xeerkan waxa ku soo noqnoqday erayo aan lagu qeexin qaybta erey bixinta sida ( sharci )( ogolaansho ) sharcigu ma ka islaamkaa? mise waa ka gaalada?, ogolaanshaha maxaa astaan u ah oo uu ku sugmi karaa? .

17 – foolxumooyinka xeerkan :

1- Xeerkani wuxuu ka qayb qaadanayaa faafitaanka sinada marhadii aanu fal danbi u arag wax ciqaabana u sheegin marka laysla ogolyhay.

2- Wuxuu meesha ka saarayaa ciqaabyadii shareecadu u dajisay sinada iyo kufsiga .

3- Wuxuu ka qayb qaadanayaa duminta qoyska iyo iska horkeenkiisa .

4- Wuxuu sababayaa iska hor imaadka iyo isku dhaca bulshada.

5- Wuxuu meel kadhac ku yahay sharafta dadka .

6- Wuxuu fasaxayaa anshax xumada is qaawintu ka mid tahay .

7- Wuxuu luminayaa xuquuqda dadka qaaarkood sida waalidka iyo dad qaangaadh ah oo uu ula dhaqmayo sida caruurta .

8- Wuxuu dhigayaa ciqaabyo aan isu miisaanayn caqli iyo sharci midna aan ku salaysnayn .

9- Waxa ka muuqda is burin sida marka uu ka hadlayo qofka caruur loo aqoonsanayo .

10- Xeerkani wuxuu sheegay ciqaabyo kali ah mana sheegin fal danbiyeedyadaa wixii lagaga hor tagi lahaa gebi ahaan ba.

11- Xeerkani wuxuu meesha ka saaray wixii islaax ah ( heshiis ) ee dhex mara dhibgaystaha iyo qof ka dhibanha ah, iyadoo la ogsoon yahay in shariicadu ogoshahay in qofka dhibana ahi cafis iyo saamaxaad bixin karo. Geba gebo iyo gunaanad : Waxaanu ku talinaynaa oo soo jeedinaynaa in xeerkaa shariicada islaamka iyo dhaqankeena kasoo horjeeda meesha laga oo la laalo shariicadana lagu soo dabaalo..

Waad mahadsantihiin.

Waxa soo saaray bayaan kan culimada hoos ku xusan:

1. Sh:c/laahi Cabdi Cali “Makkaawi”.

2. Sh:c/laahi xasan xaashi “Barbaraawi”.

3. Sh:c/razaaq xuseen cali “Albaani”.

4. Sh: Muuse maxamed C/raxamaan “Tarax” .

5. Sh.yaasiin Ibraahim C/raxmaan.

6. Dr.c/rasaaq Axmed Maxamuud.

7. Sh:Axmad Iid c/salaam Aadan “ Axmed Iid”.

8. Sh.Axmed C/qaadir Axmed.

9. Sh: faysal yuusuf cilmi.

10. Sh: Rashiid Maxamuud Cige. Allah Mahad leh.

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliska maraykanka ee Afrika oo sheegay iney duqeyn ku dileen 62-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab
- Dec 17, 2018
Taliska Mareynkanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 16-kii bishan ...
MUUQAAL:-C/raxmaan C/shakuur “Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December”
- Dec 17, 2018
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka War Bixiyey Kulankii Ay La Yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi
- Dec 17, 2018
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka ...