Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Nin Muqdisho lagu dilay kadibna Meydkiisa lagu gubay

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Towfiiq ka dhacday fal dad badan argagax ku beeray, kadib markii xaafadaasi lagu dilay nin dadka deegaanka kamid ahaa kadibna meydkiisa dab la qabad siiyay.

Falkan argagaxa leh ayaa la shegay in uu ka dhacay gudaha Garaash uu ninkan ku lahaa xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid, waxaana ninkan weeraray dhoor qof oo isugu jiray haween iyo rag watay budad iyo baangado.

Ehelada ninka la dilay oo lagu magacaabo Axmed Muqtaar Saalax kana soo jeeda Beesha Jareerweyne ayaa sheegay in Axmed bilo kahor wiil uu adeer u yahay reer uga doonay gabar kadibna uu siiyay aabaha gabadha balse ehelada kale kasoo horjeesteen.

Sida wararka aan ku helnay ninkan la dilay waxaa garaash uu ku sugnaa ku weeraray kuna dilay ehelada gabadha uu u doonay wiilka uu adeerka u yahay , kuwaa oo ku doodayay in gabadhooda uusan geyn wiilka loo soo doonay.

Marxunka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa aabe dhalay 12- caruur ah, waxa uuna xaafada Towfiiq ku lahaa garaash uu ugu xamaali jiray nolol maalmeedna uga raadin jiray caruurtiisa.

Maamulka degmada Yaqshiid iyo laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadan argagax leh ee maanta ka dhacday xaafada towfiiq ee lagu dilay kadibna gubay ninkan miskiinka ah.

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliska maraykanka ee Afrika oo sheegay iney duqeyn ku dileen 62-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab
- Dec 17, 2018
Taliska Mareynkanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 16-kii bishan ...
MUUQAAL:-C/raxmaan C/shakuur “Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December”
- Dec 17, 2018
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka War Bixiyey Kulankii Ay La Yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi
- Dec 17, 2018
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka ...