Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xukuummadda Oo Ansixisay Kamid Noqoshada Soomaaliya Ee Axdiga Qaramada Midoobay Ee xuquuqda Naafada

Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay quay ka noqoto Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay usoo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shuruud ku xiray in Dowladda Somalia aqbasho dhaliisha mucaaradka
- Feb 21, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray ...
MUUQAAL:-Faarax Murtiile oo Ka Jawaabey Wararka Sheegaya in Somaliland Xirayso
- Feb 21, 2019
Faarax Murtiile oo ah Fannaan /Abwaan siweyn looga yaqaan dhulka Soomaalida ayaa dhowaan madaxweynaha ...
AKHRISO:-Qodobadii Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Puntland
- Feb 21, 2019
Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ...