Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Jubbaland Oo Qarax Lagula Eegtay J/ Hoose
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland lagula eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsay Gaari Cabdi Bile ah oo marayay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolkaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhawaac qaraxaasi ay ka soo soo gaartay Askartii saarneyd Gaarigaasi.
Xiriiro aan la sameynay saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaanan inuu suura galin in aan helno, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.
Loading...