Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Africa : Ceebaha Dayntu dhaxalsiisay qaar kamid ah wadamada africa.

Haddii aad rah ku tuurto biyo karkaraya markiiba wuu ka boodayaa, balse hadii aad Raha dhex dhigto biyo qaboow oo aad si tartiib tartiib ah u diiriso u kulayliso biyaha , wuxuu heerkulka jirkiisu aqbalayaa biyahaa sii kululaanaya oo uu marka dambe si doqonnimo ah ugu dhimanayo.

Waxaa taas la mid ah sida uu Shiinuhu ula wareegayo hantida Afrika, waxa lagu sheegay gumaysi qabow oo ay dib u gelayso Afrika oo haatan si wayn ugu qaamaysan Shiinaha, oo dalalka Afrika oo hoggaanka ka dhintay , madaxdooda siinaya wax u eg laaluush cawaaqib xun reebaya.

Dowladda Zambia ayaa kaddib markii ay bixin wayday Dayn ay ka qaadatay dalka Shiinaha, waxay Beijing soo jeedisey hindise ku aaddan, in lagu wareejiyo garoonka Kenneth Kaunda International Airport haddii ay Zambia xilligii loo qabtay ku keeni waydo amaah lagu leeyahay.

 

Hana moodin inay intaa un tahay; Chinese-ku waxay leeyihiin saami dhan 60% warbaahinta Zambian National Broadcasting oo ah afka ay wax ka maqlaan dadka Zambian-ku, taasoo ka dhigan inay jihaysan karaan ra’yul caamka dalkaasi.

Shiinaha ayaa la wareegay hantida ma guurtada ah iyo sharikaadka heer qaran ee dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa qodista macaadinta qaaliga ah.

Bye Cabdirisaaq Jubba 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliska maraykanka ee Afrika oo sheegay iney duqeyn ku dileen 62-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab
- Dec 17, 2018
Taliska Mareynkanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 16-kii bishan ...
MUUQAAL:-C/raxmaan C/shakuur “Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December”
- Dec 17, 2018
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka War Bixiyey Kulankii Ay La Yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi
- Dec 17, 2018
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka ...