Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Golaha Wasiirrada Oo Ka Dooday Siyaasadda Dawladda Ee Hantida Qaranka Iyo Saxiixyada Heshiisyada Caalamiga Ah

Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:- Shacabka Baladweyne Oo Ka Hadlay Magacaabista Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Hiiraan
- Sep 23, 2018
Hal sano Gudahiis ayaa waxaa Gudoomiyahii Sadaxaad Ee Gobolka Hiiraan Looso Magacaabay Yuusuf axmed ...
MUUQAAL:-Siyaasi Dhoola-Yare”In Shirka Wasiirada Puntland Somaliland Ka Dhaco Nusqaan Bay Nagu Tahay”
- Sep 23, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=9TxJgEgvApU
MUUQAAL:-Korneyl Gamaal Baaxad Oo Ka Hadley Dagaalkii Dhex Maray Ciidamadiisa Iyo Ciidamada Somaliland
- Sep 23, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=SSmwAyj5Euk