Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Siyaasadda casrigan waxaa ka faantay haweenay jirkeeda ka ganacsata!! (Bye Jubba )

Soomaaliya waxay cadaawad kala dhexeysay Itoobiya, Itoobiyana waxaysan is arki karin oo ay argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiya waxay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya, Soomaaliyana waxay Sarkaal ONLF ka tirsan u gacan-gelisay Itoobiya waxayna argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiyana waxay dhowaan la saaxiibtay ONLF oo hadda Liiska argagixisada ugu jira Soomaaliya !!
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak wuxuu hadda ka hor xabsiga dhigay Maxamed Mursi, Mursina markii uu Madaxweyne noqday wuxuu xiray Xusni, wuxuuna magacaabay Cabdifitaax As-siisii, kadibna Siisii wuxuu xiray Mursi wuxuuna xabsiga kasoo daayay Xusni Mubaarak !!

Dowladda Iiraan waxay xulufo yihiin Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, Bashaarna waxaysan is arki karin Ikhwaanul Muslimiin; Iiraan waxay isfahamsanyihiin Xamaas, Xamaasna waxay saaxiib yihiin Ikhwaanka, Ikhwaankana isma arki karaan Iiraan !!

Dowladaha Khaliijku waxay ku kacsanyihiin Iiraan, Madaxweyne Siisii oo saaxiib la ah Khaliijka wuxuu la dagaashanyahay Ikhwaanka wuxuuna saaxiib la yahay Bashaar, Bashaarna waxay dagaalsanyihiin Khaliijka oo ay saaxiib yihiin Turkiga, Turkiyana waxay dagaashanyihiin Bashaar iyo Siisii, waxayna saaxiib la tahay Ikhwaanul Muslimiin !!

Khaliijka waxay isfahamsanyihiin Mareykanka, Mareykankana wuxuusan arki karin Ikhwaanka, Ikhwaankana waxay saaxiib yihiin Xamaas, Xamaasna waxaysan maqli karin Mareykanka, Mareykankana waxay dagaashanyihiin Ruushka, Ruushkana waxay saaxiib yihiin Bashaar, Mareykankuna wuxuu ku kacsanyahay Bashaar oo xulufo la ah Ruushka !!

Siyaasaddaan iska-daba-wareegga ah waxay isoo xusuusineysaa wareysi laga qaaday Haweeney Ruushka u dhalatay oo ku caan-baxday in ay jirkeeda-ka-ganacsato oo mar uu wariyuhu weydiiyay sababta ay siyaasadda u geli la’dahay ku jawaabtay “Siyaasaddu waa wax qurun ah, been, musuq iyo iska-daba-wareeg ah, sidaas darteed ma rabo in aan siyaasi noqdo oo aan sumcaddeyda ku ciyaaro!!”

Hadde ogoow qofta ka cabsaneyso in ay siyaasaddu sumcadda uga ciyaarto waa haweenay jirkeeda-ka-ganacsata.!!

FG: Ha u fahmin inay siyaasaddu tahay iska daba wareeggan keliya waayo siyaasad wanaagsani way jiri kartaa, waana midda loo baahan yahay.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Gudi Qaabilsan Wada hadalka DFS iyo Somaliland
- Jul 17, 2019
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ...
TOP DAAWO: Somaliland oo ku hanjabtay inay Xajka ka harayso haddii Baasaboorka Somalia…..
- Jul 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=N2BS-cTzbII
Akhriso: Qodobo Laga Soo Saaray Shir Xasaasi Ah Oo Ka Socday Garoowe
- Jul 17, 2019
Caasimadda Garoowe waxaan maanta lagu soo gabagabeeyay Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed ...