Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maanta tagayo Cadaado

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya iney halkaasi ka socoto qaban qaabada soo dhaweyn loo sameynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Cali Gacal Casir iyo Xildhibaano la socda, ayaa ka duulaya garoonka Muqdisho, iyadoo ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii Beesha degta Cadaado looga tashan lahaa Mooshinka ka yaalo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Xildhibaano ku shiray Dhuusa-Mareeb, waxey Saxaafada u sheegeen iney gudbiyeen mooshin ka dhan ah Gudoomiye Casir, waloow Cali Gacal wareysi uu siiyay Mustaqbal ku sheegay in mooshinkaas sax aaney eheyn Isagoo ku dooday in mooshinka ay geeyeen dad aan Xildhibaanaba eheyn.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyayna shalayba waxey dood galiyeen mooshinka, waxaana kulankii shalay Gudoomiyay Xareed Cali Xareed oo gudoomiye kuixgeen u ah Cali Gacal Casir.

Warar kale waxey sheegeen in Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, dhankiisa isagana uu ku dhawaaqi doono mooshin ka dhan ah Madaxweyne Axmed Ducaale Geele (Xaaf).

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-R/wasaare Kheyre oo iclaamiyay nooca Siyaasiyiinta dalka uu u baahan yahay
- Feb 22, 2019
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay horumarinta, Midnimada iyo dhab u heshiisiinta ...
Al-Shabaab oo odayaal ku xiray Koofurta Gobalka Mudug.
- Feb 22, 2019
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa  waxaa la sheegay in odayaal ay ku xireen  Koofurta Gobolka Mudug ...
Nabi Maxamed (SCW) – Hoggaamiye in tusaale laga dhigto ay tahay
- Feb 22, 2019
Assalamu Calaykum Qayb ka mid ah xalalka dhibaatooyinka umaddeena waxa ka mida in la ...