DHAGEYSO:-Xildhibaanada koonfurgalbeed oo sharcidaro kutilmaamay go’aankii xidhiidhka loogu jaray dowladda somalia
Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegtay iyada oo tixraaceysa shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay Sabtidii ina dhaaftay inay hakisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.
Go’aankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay magaalada Baydhabo kulan deg deg ah oo waqtigiisa laga soo hormariyay ay ku yeesheen golaha wasiirada maamulkaasi, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hadaba qaar ka mid xildhibanada barlamanka maamulka koonfur galbeed ayaa si adag uga horyimid go’aanka ka soo baxay madaxtooyada maamulkaasi
Loading...