Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaaliya Maxamed Cabdi Haye oo Kulan La Qaatay Wasiirka Gadiidka iyo Isgaadhsiinta Dalka Qatar Jassim Seif Ahmed al-Sulaiti
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Dalka Qatar Jassim Seif Ahmed al-Sulaiti ayaa Kulan Laqaatay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaaliya Maxamed Cabdi Haye. Maareeye oo Marti Qaad Rasmiya ka helay Dalka Qatar Intii lagu Guda Jiray Kulanka, Labada Wasiir Ayaa waxay ka Wada Hadleen xiriirka labada Dal iyo Habka ugu Fiican ee loo horumarinkaro Ganacsiga Labada Dal
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya Maxamed Cabdi Haye. oo uu Weheliyo (First Secretary) ee Safarada Somalia ee Dalka Qatar Cabdirisaaq Ismacil Cabdi Waxa uu u Soo Ban Dhigay Dawlada Qatar iyo Maal Qabeenada Fursadaha Maalgashi ee Ka Banan Dalka Somaliya Sidoo Kale Wasiiirka Ayaa Waxaa La Soo Tusay Dhawur Meelood oo Ay Ka Mid Yihiin Warshadaha Ugu Wawayn Dalkan Qatar
Labada Dal Ayaa Wakhtigan Xiriir Koodu Marayaa Halkii Abid Ugu Wanaagsanayid Yadoo Dawlada Qatar Ay Siwayn u Soo Dhawayso Shacabka Somaliyeed ee Ku dhaqan Dalkan Qatar Shaqooyinkiina ay Imika u Wada furtay Jaliyada Somaliya ee Dalkan Qatar Ku Dhaqan
Ambassador Abdul Razaq Farah Ali, oo ah Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya u Soo Magacawday Dalka Qatar safiirkan cusub oo La Doonayo in uu Halkaa Ka Sii Wado Xidhiidhka Fiican ee Maanta U dhaxeeya Labda Dal
Ambassador Abdul Razaq Farah Ali, Ayaa Waxaa Laga soo Badalay Dalka Cuman Balse Shacabka Somaliyeed ee ku Dhaqan Dalka Cumaan Ayaa aad u Amaanay Ambassador Abdul Razaq Farah Ali Sida Fiican ee uu Bulshada Dalka Cumaan ku Dhaqan Ula Shaqayn Jiray Bulshada ku Dhaqan Dalka Qatar Ayay Waxay ku Tilmameen Dad Nasiib Leh Maxayeelay Waa Shakhsiyad aad u fiican Ambassador Abdul Razaq Farah Ali waana Masuul Jecel In uu Dadkiisa iyo Dalkiisa Hurumar Gaadhsiiyo